Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug
oo heshiis horudhac ah gaadhay.
(Gaalkacyo,
December 27, 2009 Ceegaag Online)
Wada hadalo Dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug uga
socday magaalada Gaalkacyo oo ku aadanaa dagaaladii ugu
dambeeyay ee labada dhinac ku dhexmaray magaalada ayaa
maanta dhowr ku qodob lagu heshiiyey
Waxaana Qodobadaasi kala ahaayeen
1-
In Heshiiskii la gaaray maalintii la joojiyey xabada,
lasii hirgaliya halkaasna laga sii wado wadahadalka
2- In la magacaabo gudi madax banaan oo labada dhinacba ah
oo loo saaro arrimihii Gaalkacyo ka dhacay
3- In dadka Soomaaliyeed ee wada dagan magaalada magaalada
Gaalkacyo,ayna yihiin dad aan kala maarmin.
4- In amaanka Magaalada Gaalkacyo Si wada jir ah looga
shaqeeyo.
5- In khadkii cagaarnaa dib loo soo cesho iyadoo loo arko in
ay amaanka qeyb weyn ka qaadan karto.
Gudi madax banaan ee labada dhinac laga soo xulay ayaa
iyagana shaqada ay qabanayaan looga hadlay kulanka maanta oo
ahaa mid saacaddo badan loo fadhiyey,waxaana ka mid ahaa
waxyaabihii loo diray in ay sida ugu badan uga soo waramaan
sida lagu wada daganaan karo magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale Waxaa Maanta magaalada Gaalkacyo Gaadhay Wafti
balaadhan oo ka Socda Xukuumada puntland iyo saraakiisha
laamaha amaanka waxaana socdaalka Watfigaasi lagu Sheegay
inay ka Qayb Qaataan xasilinta amaanka gobolka mudug.
Xubnahan ka socday dawlad goboleedka Puntland ayaa kala ahaa
Dr, Cabdi Xasan Jimcaale (Wasiirka Dastuurka, Faderaalka iyo
Dimuquraadiyada), Dr, Bashiir Cali Biixi (Wasiirka
Caafimaadka), Md, Cali Yuusuf Cali (Wasiir kuxigeenka
Wasaaradda arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horumarinta
Reer miyiga), G/sare Axmed Cali Xaashi (Taliyaha ciidamada
Booliska
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |