Ma ilaawi doono
Xasuuqaa (We
will not forget December 3, 2009)
(Boston
Dec
06, 2009 Ceegaag Online)
North America Somali Students Union
We will not forget December 3, 2009
TACSI
Anigoo
ku hadlayo magaca Ururka Midowgga Ardeydda Soomaaliyeed ee
Waqooyigga America waxaan TACSI kal iyo laab ah u dirayaa
dhamaan Ardeyddii, Macalimiintii, Aqoonyahaniintii,
Waalidiintii iyo Masuuliyiintii ku geeriyootay Qaraxii
naxariista darnaa ee loo geestay Khamiistii la soo dhaafay
bishu aheyd December 3, 2009. Waxaan oroneynaa intii ku
dhaawacantay “Ilaahey caafimaad deg dega ha idiin siiyo
Allahuma Aamiin yaaRabi”
BAAQ DEG DEG AH
Sidoo
kale waxaan ka codsanayaa dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed ee
ku nool dibadaha in ay sameeyaan dhowr shay oo muhiim u ah
Taageerada dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed ee magaaladda
Muqdisho iyo dhamaan dadkii wax ay ka soo gaareen dhibkii
dhacay Khamiistii Dec 3, 2009.
1.
Meel walbo oo ay joogaan Ardeydda Soomaaliyeed in ay
sameeyaan kulamo deg deg ah oo looga hadlayo dhibkii dhacay.
2.
In
la sameeyo banaanbaxyo lagu muujinayo in uu isku xiran yahay
dareenka Ardeyadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.
3.
In
loo aruuriyo dhaqaale (intii awooda) dadkii ay wax ka soo
gaareen dhibkaas.
Waxaan
ka rajeyenayaa dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed iyo
Ardeydda meelwalbo oo ay joogaan in lagu dhaqaaqo fulinta
qodobadaas kor ku xusan.
Halheeskeenu waa:
Ardeydu waa walaalo, Macalimiintuna waa waalidiintii.
Abdulkadir Hindi
NASSU
President
abdulkadirhindi@allnassu.org
www.allnassu.org
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |