Puntland oo ka hadashay
Socdaalkii Faarax Macalin Dawaara ee Laascaanod.
(Garoowe,
December 29, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo labo
Maalin ka hor magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool
booqasho aan horay loo sii shaacin uu ku yimid gudoomiye
Kkuxigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin
Dawaara ayaa Waxaa markii ugu horaysay booqashadiisa
ka hadashay Dawlad Goboleedka Puntland, iyadoo War
Saxaafadeed loogu tala galay laga Soo Saaray aqalka
Madaxtooyada ee magaalada Garoowe.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu
sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay dawladdaha Geeska
Africa ay ka fiirsadaan talaabooyinkooda ku wajahan Gobalka
Sool oo ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland.
Wasiiru
Dawlaha Madaxtooyada iyo Maamul Wanaaga Maxamed faarax Ciise
Gaadhaa oo la hadlay saxaafada ayaa ku eedeeyey gudoomiye
Kkuxigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya Mudane Faarax Macalin
Dawaara in uu gacan siinayo in ay Somaliland, ka go’odo
Soomaaliya, isagoo sheegay in talaabadii uu ku soo gaadhay
Laascaanood ay noqoneyso mid la doonayo colaad in laga
abuuro Soomaaliya iyo kicin dadweyne,Waxaana booqashada
Faarax Macalin ee magaalada laascaanood ku tilmaantay
Maamulka Puntland faragalin, isagoo wasiiru
dawluhu shegay in Maamulka Puntland ay Canbaaraynayso
booqashadaasi.
Dhinaca kale wasiiru dawlaha ayaa sheegay in maamul
Goboleedka
Puntland
iyo dawlada Kenya uu ka dhaxeeyo Xidhiidh Wanaagsan lama oga
sababaha ilaa iyo hada keenay in Faarax macalin booqasho
kutago magaalada laascaanood oo ah Xarunta gobolka Sool.
Cali Osmaan
Yuusuf (Cali Dhagjar)
Wariyaha mandaqada Hawd, Buuhoodle
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |