Safiirka dawlada
Masar u fadhiya Soomaliya Pro. Siciid Maxamed Al-masri oo u
sheegay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya inay yihiin Gobolada
Waqooyi ee Soomaaliya
(Hargaysa,
Dec
06, 2009 Ceegaag Online
Safiirka dawlada Masar ee Soomaaliya oo
booqasha ku jooga Caasimada labaad ee Soomaaliya Hargaysa
ayaa saxaafada reer Hargaysa oo si kulul u waydiiyay su'aalo
la xidhiidha gooni isutaaga reer Waqooyiga ayaa u shaagay in
dawlada Masar aysan u kala saarin Soomalida Waqooyi iyo
Koonfur balse ay Soomaliya ay tahay hal wadan oo kaliya.
Hadaladan ayaa waxa ay ka cadhaysiisay
dad waxmagaroto Cuqdadi dhaamisay oo ku jahwaraarsan
Dooxooyinka Qabyaalada kooxahan oo si aada u garab
maray macnaha Saxaafada iyagoo ku shibiro waaqleeyay
Safiirka.
Shirkan jaraa'id oo ka dhacay Hodheelka
Mansuur ayaa safiirku ku waadixiyay siyaasada dawlda masar
isaga oo yidhi
“Masar waxay shacabka
Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya, umana kala
saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada koonfureed,
taasina waa dhab”
Su'aalihii la waydiiyay
Safiirka oo aanu kasoo minguurinay Jariidada JAMHUURIYANA
waakuwan.
Su’aal: Somaliland ma
waxaad u timi adoo u haysta inay Gobol Soomaaliya ka mid ah,
mise wax kale?
Jawaab: Masar waxay
shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya,
umana kala saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada
koonfureed, taasina waa dhab.
Waxa laga yaabaa
hadalkaygaas inaannu ahayn hadal aragti ah, magacyada lala
baxayna marka laga joogsado dhinaca walaaltinimada maaha
aasaaska iyo seeska, waxaan ku odhan lahaa anigu waxaan ahay
safiirkii Masar ee Soomaaliya, waxaanan la kulmayaa dhammaan
dhinacyada Soomaaliya kay doonaan ha ahaadaan koonfur amma
waqooyi.
S: Shacabka Somaliland
wuxuu khaati ka joogaa siyaasadda Masar ee hortaagan
goonni-isu-taaggooda maxaad ka leedahay arrintaas?
J: Maaha inaynu ku
noqnoqono su’aalo aan muhiim ahayn, waxaan mar labaad kuugu
celinayaa inaan anigu ahay safiirka Soomaalida oo dhan,
iyaga oo aan la kala qaadin koonfur iyo waqooyi. Xidhiidhka
Soomaalida iyo Masarna waxay lahaayeen xidhiidh dheer,
Somaliland iyo Puntland waxay u yaqaanaan dhulkii udugga
Waxaan intaa kuugu darayaa
anigu ma ahi safiir dawladda ajnebi ah ee waxaan ahay safiir
dawlad aad walaalo tihiin, su’aashaa aad i weydiisay waxay
ku qurux badnayd in la waydiiyo dawlad shisheeye ah.
S: su’aasha aasaasiga ah ee
aanu kaa doonaynaa waa inaad caddayso mawqifka Masar ee ku
waajahan Somaliland?
J: anigu umaan iman inaan
caddeeyo mawqifka dawladda Masar ee Somaliland, waxaanse u
imi inaan caddeeyo xidhiidhka iskaashi, sheeko kale ayaad
ila gasheen, waxaad I weydiisay su’aal aan muhiim ahayn,
su’aasha aad iwaydiisayna ma waafasana xeerarka saxaafadda.
(inta uu safiirku cadhooday ayuu miiska ka kacay, balse wada
hadal ka dib, waxay suxufiyiintu ku qanciyeen inuu fadhiisto
oo uu waraysiga dhamaystiro.)
S: Tan iyo 2001-dii Masar
ma siiso deeq waxbarasho Somaliland, waxaanay shardi uga
dhigtaa in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aqbasho, ma
jirtaa arrintaas?
J: Deeqaha waxbarasho ee
aannu Soomaalida siino oo aan anigu masuul ka ahay, waxaannu
u qaybinaa dhammaan Soomaalida, koonfurta iyo Puntland,
cidna gaar uma laha, Ibraahim Cadow [Wasiirkii Tacliinta
Sare ee Soomaaliyda ee ku geeriyooday qaraxii Muqdisho] ka
hor intaanu dhiman laba toddobaad wuxuu i weydiiyey deeqihii
waxbarasho ee Somaliland loogu talogalay, markaa sidaan
su’aashaas u fahmay waxba kama jiraan.
S: Yaad kala soo
xidhiidhaan deeq waxbarasho ee aad Somaliland ugu
talogasheen?
J: Kama hadlayo Wasaarado
Waxbarasho ee deeqaha waxbarashada waa loo siman yahay,
ciddii u soo horumartana way helaysaa, ilaa iminka laakiin
ma jiraan tiro go’an oo Soomaalida loogu talogalay.
S: Maxay tahay ahmiyadda ay
Masar ka leedahay mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan
Soomaaliya?
J: Dawladda Masar tan iyo
markii dhibaatadu ka bilaabtay Soomaalida doorka Masar maaha
mid meesha ka maqan, iminkana muddo bilo ah gudahoodna Masar
waxay goostatay inay ka shaqayso, dib-u-hehiisiinta
Soomaalida ilaa iminkana yididilo ayaanu ka qabnaa, annaga
oo la shaqayneyna dawladaha caalamka ee daneya arrimaha
Somaliya, gaar ahaan kooxda la yidhaahdo ‘Contact Group’,
kana daali mayno ilaa aannu ka biyo keenayno.
S: ka waran Cadaawada ay
dawladda Masar u hayso Somaliland?
J: … Maya, maya cadaawadi
ma jirto, ereygaasina kuma habboona meesha ee waxaan u imi
oo keliya inaannu horumarino xidhiidhka walaalahayo reer
Somaliland ee umaan iman su’aasha aad i waydiineyso.
S: Sida uu qoray aqoonyahan
reer Masar ahi Carabtu waxay dhegaha ka fureysatay
Somaliland iyaga oo ku adkeysanaya midowgii Soomaaliya,
Somaliland-na waa fursad ay lumiyeen, arrintaa maxaad ka
leedahay?
J: Horta ninkaa aad
sheegayso ma garanayo, aniguna masuul kama ahi dawladaha
kale ee Carabta oo waa wax iyaga u gaar ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |