Hogaamiyaha Kooxo Diimeedyada Suufiyiinta oo iyagana looga
yeedhay Adisababa
(Adisababa,
Dec
21, 2009 Ceegaag Online)
Sh.Maxamuud Sh.Xasan Faarax ayaa isu dhiibay dawlada
Itoobiya halkii uu isugu dhiibi lahaa Boqorka awooda badan
ee ina khalqay.
Hogaamiyaha Suufiyiinta Gobolada dhexe ee Soomaaliya oo
miciin biday Itoobiya isaga oo wacad ku maray inuu la
dagaalami doono dawlada Soomaaliya hadii aysan u aqoonsan
ama kala soo xidhiidhin arimaha gobolada ay gacanta ku
hayaan, dawlada Soomaaliya oo haatan ka guulaysan rabta
Kooxaha diin ku qadhaabtayaasha ee ka soo hor jeeda.
Sheekhan
ayaa shalay la shiray Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya!!!!!!!!!!!!
isagoo Sheekha loo sheegay inaanay la sheqeen dawlada
Soomaaliya. Si aan Soomaaliya dawladi uga hir galin.
Dhainaca
kale warar isasoo taraya ayaa sheegaya inay dawlada Itoobiya
si aada ugu lug lahayd qaraxii Hoteel Shaamoow.
Dawlada
Itoobiya ayaa hada doonasa inay ku fidiso awoodeedda
gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo iyagu ka madax banana
Amarada Itoobiya halka sitoos ah looga amar qaato Itoobiyo
Maamulada Puntland iyo Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |