Shir Baroordiiq iyo
dhaqaale u ururin ah oo jaaliyada Boston ku garab istaageen
dadkooda Soomaaliyeed siiba reer Muqdisho.
(Boston,
Dec
20, 2009 Ceegaag Online
Waxaa qolka shirarka ee
masjidjaamaca Boston ka dhacay shir baroordiiq ah oo lagaga
gilgilanayay falkii foosha xumaa ee lagu xasuuqay maskaxdii
Soomaaliyeed ee lagu wareemay Hodheel Shaamoow.
Waxaa furitaankii xaflada
ka dib lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha Tito Jackson oo ah
nin madax ka ah gudiga doorashada ee Badhasaabka gobolkan
Massachusets, Deval Patrick. Ergaygan oo Jaaliyadu fariin u
fartay badhasaabka oo aad isugu dhaw yihiin madaxwayne OBAMA.
Fariintaa oo ahayd in loo
sheego madaxwaynaha Maraykanka in dadkii doortay ee
Soomaalida Maraykanka ahi doonayaan inuu Soomaaliya nabadeeyo
intii karaankiisa ah, Ergaygan kasocdey Badhasaabka gobolka
Massachusetts ayaa loo sheegay inuu fariintaa gaadhsiiyo
Badhasaabka, si Badhasaabkuna madaxwaynaha u gaadhsiiyo. Tito
oo isna madasha ka hadlay waxa uu yidhi.
Dhagayso
Waxaa xaga qadka taleefoonka isna shirka uga soo qayb galay
Eng. Muqtaar Axmed Cusmaan oo ah nin aad u garanaya dadkii ku
hoobtay qarixii Muqdisho
Dhagayso
Waxaa iyana Goobta ka
hadashay Deeqo Jibriil oo waliba ka gabayday waxayna tidhi
Dhagayso
Waxaa kaloo goobta furay
shirkana daadihinayay Macalin Warfaa oo yidhi
Dhagayso
Cabdulqaadir Hindi oo ka
warbixinaya siday u abaabuleen shirkan waxa uu yidhi i
Dhagayso
Waxaa iyana goobta ka
hadlay masuuliyiintan
1.
Cabdiraxmaan Yuusuf
Dhagayso
2.
Cabduqaadir Yaasiin
Dhagayso
3.
Cabdulaahi Madeey
Dhagayso
Waxaa isna warbixin
fariina soo gaadhsiiyay shirka Cabdi Dheere oo yidhi
Dhagayso
Ugudanbayntii waxaa lagu
soo dhaweeyay qaarkamida mushaaikhda magaalada maadaama ay
wadaadada baryahan fartu ku godon tahay si ay u waadixiyaan
waxa diinta Islaamku ka qabto Daadinta dhiig Islaam oo lagu
daadiyo xaqdaro
1. Sheekh
Yuusuf
Dhagayso
2. Sheekh
Tawakal
Dhagayso
Intaa dabadee waxaa la go'aan
saday in dadku bixiyaan lacag kaalmo ah oo dhan $6000.00
iyadaa badankeeda isla goobta lagu bixiyay.
Daawo sawirada intooda kale
iyo waliba Buug tacsi saxeexida
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |