Safiirka dawlada
Masar ee Soomaaliya ayaa ka dhoofay Hargaysa maanta
gaadhayna Boosaaso
(Muqdisho,
Dec
07, 2009 Ceegaag Online
Sawfiirka dawlada masar ee Soomaaliya Pro. Siciid Maxamed
Al-Masri ayaa baryahan socod ku maraya gobolada Soomaaliya,
Safaradan ayaana la garanayn waxa ay salka ku hayaan balse
waxaa marag madoonto ah in Safiirku muujiyay inuu
Soomqaaliya kolba Magaalo booqdo iyada oo Madaxwayneheeduna
uusan lahay Awood uu ku booqdo qaarkamida Xaafadaha
Caasimada Muqdisha.
Safiirka Masar ayaa muujinaya xidhiidhka 4000 kun jirsaday
ee u dhexeeya labada Shacab ee Masaarida iyo Kushitaga
Puntiyiinta ah(Soomaaliyiinta).
Safiirka ayaa sheegay in dawladiisu ka caawin doonoto
Puntland xaga waxbarashada iyo caafimaadka, aadna ula
maqsuuday nolasha Jaaliyada masaarida ee Boosaaso.
Safiirka waxaa Soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolka Bari
iyada oo isla Caawana La toogtay Imaamkii Masaajidka Al-Rashiid.
Booqashada Safiirka iyo Dilka Wadaadka ayaa waxaa cad in
lagu muujiyay Awood darada Maamulka bahwadaagta Puntland.
Iyada oo aan Hargaysa ama Maamulka reer Waqooyigu ku fara
adeegeen amaanka intii safiirku Joogay Hargaysa.
Maamulka Puntland ayaa guud ahaan ku guul dareestay Sugudi
Amaanka Gobalada uu ka taliyo iyada oo dhinaca kale dad u
hanqal taagayaan inuu soo ceshada Laascaanood oo haatan soo
celinteedu riyo isku badashay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |