Mahad Celin ay Ardayda Masjid
Altaqwa hawada usoo marinayaan dhamaan Bulshada Islaamka ee
reer New England siiba kuwa Soomaalida
(Boston,
December 31, 2009 Ceegaag Online)
Walaalayaal marka koowaad, Mahad dhamaanteed waxay u
sugnaatay Allah oo ina siiyay Awooda, Dulqaadka iyo Kartida
aan ku dhamayskatirnay Mu’tamarkeennii 4aad ee
Nus-Sanadlaha dhallinyarta
reer New England ee Somaliyeed
inuu ku dhammaado si fiican. Marka labaad, waxaanu aad isugu
dhuldhigaynaa oo na taabatay dhamaan howlkarnimadii ay
hooyooyinkii iyo gabdhaha walaaleheen ahi ugu istaageen
diinta Allah dhinac kasta marka laga eego (hadday tahay
Cunto Karin, Nadiifin, iyo soo dhoweynta martida…iwm).
Waxaanu
kaloo mahadinaynaa ardayda Attaqwa students oo ku bixiyay
waqti iyo shaqo badan oo aan daal lahayn Mu’tamarka (oo ay
ku jiraan kuwo ka shaqeeyay Sugida Amaanka, Barxadda
Baabuurta, Farsamoyaqaanno, Darawalo, iskudubarideyaal iyo
maamulaha guud ee shirka Muxamed Buulle).
Ku
darsada oo, waxay noo tahay yididiilo iyo farxad aan lasoo
koobi Karin iyo weliba wax lagu diirsado kuwii saaxiibadood
la tartamay oo haddana kusoo baxay heersare weliba ayagoo
mashquul ah. Intaa kadib, Waxaanu si xushmadi ku jirto ugu
tahniyaynaynaa shuyuukhdeenna iyo culimada meesha weyn uga
jira bulshada Soomaaliyeed iyo shaqada ay ummadda u hayaan
oo ah guul nool oo jirta. Xaqiiqatan walaalaha martida noo
ahaana waxaanu leenahay Walaalayaal waanu idiin hanweynahay
maxaa yeelay waxaad jeceshihiin Allah iyo diintiisa oo aad
darteeda uga timaadeen Portland, Lewiston, Ohio iyo
Minneapolis si aad u aragtaan guri guryaha Allah ka mid ah
oo lagu barayo, laguna baranayo diintiisa.
Waxaa
aad u xiiso badnaa dhamaanteenna aan aragnay waa muuqaalka
quruxda badnaa ee uu lahaa Mu’tamarka iyo sida waxkastaaba
ugu sugnaayeen sidii loogu talogalay. Wuxuuna xaqiiqatan
ahaa mid ugu sita Mu’tamaradii aan soo aragnay sanadahanba.
Qiimayn gaarana Mu’tamarka waa uu leeyahay maxaa yeelay ka
qaybgaleyaashiisu waxay ka kala yimaaddeen dacallada dalkan,
isku xidhnaansaha ka jirayna ladhig malaha, ujeedooyinkiisa
la xaqiiqsadayna waa weynyihiin. Waxaa cajiib ah, inaynu ku
aragnay indheheenna in bulshada waxa keliya oo isu wada
keenikaraa uu yahay diinta Allah keliya taasoo ay markhaati
u tahay isku dumankii la arkay.
Walaalayaal, taariikhda uu ku bilaabmay Mu’tamaradan oo kale
haddaanu idin xasuusinno, waxay ahayd jiilaalkii sanadkii
2006 markii Attaqwa students uu kutubta uga bilaabay Masjid
Attaqwa sheikh Abdirizaq Xaashi oo ahaa xoogga dhaqaajiyay
dacwadda dhallinyarta soo baraarujisay. Bilo yar kadib,
waxaan xaqiiqsanay inay walaalaha gobollada kale sideenna oo
kale u baahanyihiin inay dacwaddii bilaabaan oo bartaan
diinta Islaamka taasoo ilmekasta oo Muslim ahi u baahanyahay.
Baraaruggaas Boston ka bilaabmay ayaa hadda dalkan
badankiisa wada gaadhay waana Allah mahadiis. Mu’tamarkani
wuxuu dhici jiray laba jeer sanadkii wuxuuna kuqabsoomi
jiray gobollada New England ee Mass iyo Maine haddana lagu
wado in Ohio lagu daro inshallah.
Haddaba,
Mu’tamarkani oo ka dhacay Boston (Diisanbar 25-27, 2009)
waxa uu ahaa midkoodii ugu fiicnaa intii uu soo jiray. Waxaa
ka qayb qaatay Shuyuukh badan oo cilmi aan uga
faa’iidaysanay oo uu hoggaankooda ahaa Sheikh Cabdullaahi
Ibraahim oo nooga yimi magaalada Minneapolis ee gobolka
Minnesota. Wuxuuna ahaa sheekhu mid uu iftiimayo hadalkiisu
ayna ka muuqatay deeqsinimo xagga bayaaminta ahi. Waxa kale
oo uu dheeraad u lahaa cilmi lexaad leh kaasoo nasiisay
inaan ogaanno baahida Islaamku inay marwalba taagantahay.
Sii
wadoo, tartamo u dhexeeyey gobolka Ohio oo dhan ah iyo reer
New England oo dhan ah ayaa ku jiray (Qur’aan, Nukhbah,
Qawaacidul Fiqhi iyo Waraqaat) iyo weliba ciyaar kubadda
cagta ah oo dhexmartay 8 kooxood oo 4 reer Boston yihiin.
Guushii kutubta waxay raacday kooxdii New England koobkii
kubaddana waxaa qaaday kooxdii Attaqwa students ee Boston.
Walaalayaal waanu idiinku hanbalyaynaynaa guushaas aad soo
hoyseen. Waxaanu kaloo u hanbalyaynaynaa walaalaha dedaalay
ee noqday kaalinta labaad ee waxyar looga badshay xaqiiqatan
waxay ahayd xaalad guul ahayd labada jeerba.
Allah
ayaan naxariistiisa waydiisaynaynaa inuu siiyo dhamaanteen
kuwii shaqeeyay, kuwii dhegeystay, kuwii khudbeeyey, kuwii
soo socdaalay, iyo kuwii ka qaybgalay ee kadhigay inay
xafladdani qabsoonto. Allah ayaan weydiisanaynaa inuu noo
denbidhaafo oo uu naga dhigo kuwo ka shaqeeya diintiisa
faafitaankeeda. Allah naxariis badan ha siiyo hooyooyinkii
cuntada noo karinayay iyo gabdhaha iyo wiilasha sida
hagrasho la’aanta u wada shaqaynayay oo dayactiray
Mu’tamarkana u guntaday. Allah ha u naxariisto culimada
siiyay waqtigoodii iyo kartidoodiiba inay nagu baraarujiyaan
diinta Islaamka. Aamiin.
Cabdulqaadir Faarax
Ardayda
Attaqwa
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |