Ururka JRM ayaa Tacsi u
diraya Dhamaan , wasiiradii,ardaydii, Culimadii iyo
waalidiintii ku geeriyooday xasuuqii sida arxan darada
ahaa loola beegsaday qalinjabintii Ardayda
Soomaliyeed ee ka dhacaysay Hotelka Shamoow ee
Maagalada muqdisho.
ururka JRM ee gobolada jubooyinka ee diraya tacisadan
waxay kala yihiin :
1=gudoomiyaha ururka JRM.
2=gudiga fulinta ee urukna
JRM ee gobolada jubooyinka.
3=golaha dhexe ee ururka JRM
ee gobolada jubooyinka.
4=golaha dhaqanka ee gobolada
jubooyinka.
5=siyaasiyiinta iyo
aqoonyahaniinta gobolada jubooyinka.
6-shacabka jubooyinka
Ururka JRM wuxuu leeyahay Rabbi janno fardowso
haka waraabiyo Dhamaan wasiiradii, Ardaydii ,waalidiintii
ku geeriyootay Falkii foosha xumaa ee lagula kacay
Ardaydaas qalinjabinaysay, samir iyo iimaana eebe haka
siiyo Dhamaan Eheladii iyo asxaabtii ay ka
geeriyoodeen.
waxay kaloo ururka jrm tacsidooda baaq ka dhan ah
raggii ka danbeyay qaraxaas waxayna yiraahdeen waa
fal si waxuushnimo leh loola beegsaday mustaqbalkii
wadanka ee berrito, ayagoo u sababeeyay heerka ay
maantay ka taagnaayeen Bulshada soomaliyed waxayna
kaloo yiraahdeen waxay ahaayeen Ardaydaas Iftiinkii
wadanka ee berrito waxna ka badali lahaa xaaladda
maantay uu wadanku maraayo.
Uruka JRM wuxuu Dowladda Somaliyeed iyo caalamkaba
ka codsanayaa in la daba galo dadkii ka danbeeyay
soona agaasimay qaraxaasi foosha xumaa isla markaana
cadaaladda la horkeeno, waxaana dhici doonta ayay
yiraahdeen maalin la is waydiin doono cid kaste waxii
xumaan ahayd ee ee ay geeysatay.
Urunka JRM wuxuu Ku baraarujinayaa wasiirada, Ardayda
kale ee ku nool Magaalada Mugadisho in aysan joojin
dadaalkooda ku aadan waxbarashada iyo shaqada ay
wasiiradu u hayaan shacabkooda oo ay sii laba
jibaaraan, maxaa yeelay waxaad tihiin iftiinkii
wadanka ee berrito hadaad ka gaabisaana dadaalkiina
mugdi kale ayuu wadanku sii gali doonaa.
waxaan ka rajaynaynaa
dowlada soomaaliyeed inay soo celiso nabadgalyadii
iyo kaladambeeyntii wadanka soomaaliyeed.
Dr.Liban Hussein Osman (WAAMO)
|