Jawiga guud ee
magaaada Hargeysa ayaa caawa kacsan, ka dib markii la
waayay lacag lagu qiyaasay, $100,000,000.00, Boqol malyan
oo doolar,
(Hargaysa, February 18, 2009 Ceegaag Online)
Baryhanba waxaa ka jirtay, hargeysa, arin marka loo eego
shareecada, islaamka qatar ku ah, ama uu u yaqaano islaamku,
RIBO, ribadaadoo waliba la casriyeeyay.
Waxay
ahayd, inta qofku laga qaado, lacag ay ugu yartahay, 500$
ayaa bishii la siisanayaa, 150$, mar waloo lacagtiisu
badatana, waxaa u kordhaya, faa`iidadiisu.
Runtii
dad badan ayaa ka taajiray, oo guryo ka dhistay, Culuma
awdiinka ree hargeysa ayaa dadku wax ay u sheegayeen,
arintani in ay khatar tahay, qoloda, howhshani wadatan, ugu
dambeyntii, in ay baxsanayaan, oo cid uun ay ku waayi
doonto, lacagteeda.
Hadaba,
qolodii howshani ka dambeeysay, ayaan la ogeyn ilaa, hada
meel ay jaan iyo, cidhib dhigeen,
Caawa
magaaladu, dariiq kasta oo aad marto, waxaad ku arkeeysaa
dad raxan raxan u socda, qaar walaacsan, qaar hadal haya, oo
ka sheekeynaya, iyo qaar ku leh, ninkii soo joog laga waayo
soo jiifaa laga helaaye, ee daaya.
Ma aha,
dadka iyagu, lacagtu ka maqantahay, ree hargeysa oo qudha,
xitaa qaar ka mid somaliada ku noola Erup iyo ameerica, iyo
waliba khaliijka ayaa, ku jira,
Wararku
intaa waxa ay ku darayan, in dadka ree Dubai, ee u dhashay,
Somaliland oo qudha, caawa ka maqantahay, $4000000 afar
milon.
Bishii
11-aad, ayay ahayd, markii, shabakada, war baahinta ee
ceegaag online, wareysi dheer oo arintaasi ku saabsan, kala
yeelatay, mid ka mid ah, culuma awdiinka ree hargeysa ee
sida weyn aritna dadka uga wacyi galineesay, sheekhaasi oo
lagu magacaabo, Sh. Maxamed axmed kaahin
Sheikh
maxamed oo aanu caawa, la xidhiidhnay, ayaa noo suura gali
weeyday, in aanu wareeysi ka qaadno, hase ahaatee, waxaanu
idin balan qaadeynaa, in aanu barri idin soo gud bin doono,
wareysiga sheekha hadii alle idmo
Xafiiska
waraka ceegaag online
Hargeesa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |