Deblay Isbaaro
dhigatay Tuulo Shire oo ciidanka Amaanka ee Gobolka
Karkaar Cagta Mariyeen
(Qardho,
February 15, 2009 Ceegaag Online)
Sida uu
noo xaqiijiyay Duqa magaalada Qardho Cismaan Buux Ciidan ka tirsan
Ciidanka Booliska Puntland oo ku sugan magaalada Qardho
ayaa maanta weerar ku qaaday debleey hubaysan oo isbaaro
dhigatay tuulada Shire oo konton iyo shan KM u jirta magaalada
kana xigta dhanka Garoowe waxayna halkaasi ku soo
dhaawaceen Labo ka mid ah dablaydaasi waxaana dhaawacooda la
keenay Isbataalka Qardho oo saacado kadib ay ku geeriyoodeen
sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil caafimaad.
Dablayda
isbaarada dhigatay ayaa durbadiiba soo weerartay
kaantaroolka magaalada oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan
Booliska waxaana dablaydii laga dilay hal ruux waxaana
Booliska ka dhaawacmay hal askari.
Magaalada
Qardho ayaa si wayn looga dareemayaa shaqaaqadan waxaana
iminka socda kulamo ay albaabadu u xiran yihiin oo ay
leeyihiin Guddiga ammaanka gobolka Karkaar.
Maanta
ayay ahayd markii Guddiga ammaanku uu soo saaray qodobo ay
ka mid yihiin in lala dagaalamo burcada iyo in aan la gubin
dhuxusha.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |