Waxaa maanta ka dhacay xarunta Gaadiidka
Booliiska ee Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho kulan
balaaran oo ay soo abaabuleen Maamulka Gobolka Banaadir
kulankaan ayaa waxaa loogu magac daray Kulanka Is-cafin ah
iyo in la wada shaqeeyo.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay
dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan
Ciidanka DFKM masuuliyiintii kulankaas ka qayb galay waxaa
ka mid ah.
1- Taliyaha Ciidamada Milatariga DKMG ah Saciid Dheere.
2- Axmed C/Salaan
3- Cabdalla Boos
4- Maxamed Ibraahim Xaabsade
5- Musdhaf Dhuxulow
6 -Cabdiqay
7- Sh.C/qaadir Cali Cumar
8- C/raxiim Ciise Cadow,
9- C/qaadir Cali Barre
10- C/laahi Macallin Muqtaar.
11/ Sheekh Axmed Dhiciso,
12- Cumar Mahdi.
13- Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle).
Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif ayaa hadal
kooban oo uu ka jeediyey xafladii ay isku cafinayeen
maamulkii DFKM iyo ARS waxaa uu xusay in maanta dalka uu u
baahan yahay nabad qof walbana laga rabo in uu ka shaqeeyo
nabada qof walba lama inkiri karo dowrkii uu ka soo qaatay
halganka balse maanta waa xiligii nabad laga shaqayn lahaa
,waxaa kale oo uu xusay Sh Shariif in dalka soomaaliya lagu
dhaqayo shareecada islaamka cid walba oo wax tabanaysan
diyaar baan u nahay inaan la xaajoono.
Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo isagan gioobta ka hadlay ayaa
xusay in diinta Islaamku ay dadka muslimiinta ah ay farayso
in waxa dhexdooda ka dhaca ay iska cafiyaan waa in aan
qalbiga isku furnaa ilaawnaan wixii na dhexmaray hadda ka
hor ,waad og tihiin in aan nahay dadkii dalkaan u soo
halgamay oo
waxaan ka soo jeednaa xoogagga muqaawimada ee Halgan dheer
soo galay.
Taliyaha Ciidamada Milatariga DFKM Saciid Dheere oo isagan
goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaali ay is baabisay mudo
dhan 18 sanno arinkaasna ay ugu wacan tahay inay ka
dheeraadeen diintoodii oo waxaa is dilay waa dad walaalo ah
oo Soomaali ah Shaydaan ayaa dadkaan dhexgal qof qof
bixinaya ma jiro oo walaalihii baa islaayey Eheladii baa is
laysay cid is cafisay ma leh,Soomaali aduunka ceeb baa u
yaal qarankeedii waa burburay ,dalka waxaa loo soo dhisay
Dowlad Midnimo qaran ee ha la taageero si aan u soo ceshano
qaranimadeenii luntay.
Kualnak maanta ayaa ahaa mid dhexmaray ragg dagaal 2
sanno iyo in ka badan uu ku dhexmarayey magaalada Muqdisho ,raggaas
oo dadka shacabka ah aysan marna malaynay in ay si sahlan u
hishiin doonaa meelna ama goobna si wada jir ah iskugu cafin
doonaa.
Xigasho: Boocame+Halgan