Madaxweyne
Sheekh Shariif oo kulan la yeeshay Abuu Mansuur, Xasan Turki
iyo Saraakiil ka tirsan kooxaha muqaawamada.
(Muqdisho, February
09, 2009 Ceegaag Online)
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka heleyno xarunta
Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne
Sheekh Shariif uu kulan la yeeshay madax tirsan ururka Al-Shabaab,
Raaskambooni, Midowga Maxkamadaha iyo Saraakiil ka tirsan
kooxaha muqaawamada.
Kulankan oo bilowday shalay gelinkii dambe, ayaa warar
hoose oo aanu ka helnay Madaxtooyada waxay sheegayaan in
kulamadaasi oo aan weli la shaacin ay socdeen ilaa
xalay.Dhinaca kale Saraakiisha Madaxweyne
Sheekh Shariif kulanka la yeeshay waxaa ka mid ah Sheekh
Xasan Turki, iyo saraakiil ka tirsan Mucaskarka Raaskambooni,
waxayna kulankooda iskula soo qaadeen sidii wadajir looga
shaqeyn lahaa xoojinta ammaanka iyo kala dambeynta.
Wararku waxay sheegayaan in xalay markii uu kulanka
dhammaaday Sheekh Turki iyo madax kale oo la socotay ay ka
baxeen xarunta madaxtooyada, hase yeeshee waxaa ku hoyday
halkaasi Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenka
ururka Al-shabaab.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah, ayaa la sheegay inuu ka
soo shaqeeyay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isagu
maalmahaan ku sugnaa xarunta Madaxtooyada isla markaana
kulamo is daba joog ah la yeelanayay Madaxweyne Sheekh
Shariif.
Xigasho: Soomaaliwayn
webmaster@ceegaag.com |