Sheekh Maxamed
Cabdi Umal oo ku tilmaamay Khawaarijiin kuwa dabka iyo
halaaga ladaba taagan Shacabka Soomaaliyeed.
(Muqdisho, February
23, 2009 Ceegaag Online)
Sheekh Umal oo Muxaadaro ka jeediyay xalay Masjidka
Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha isagoo ku nuuxnuux saday in
xaaladda wadanka Soomaaliya uu kujirto ay tahay wax
Gacmaheenna aan ku keensanay.
Isagoo dadka ku booriyay
in Allaah looga tawbat keeno ayuu sheegay in ay tahay
waxa loo baahan yahay taasina ay tahay keliya waxa
dhibaatada looga bixi karo dalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale
shaagay oo uu ku cel celiyay in Culumada Hoggaanka laga
dhigto oo warkooda la maqlo wax waliba oo masaa’il la isku
hayona Culumada inta loosoo bandhigo kadib lawada qaato waxa
saxda ah ee Culumada ay tilmaamayaan.
“Kuwa Culumadooda Xaqira
ee warka ka maqli waaya una hoggaansami waaya waa
Khawaarijta lasheegayo” ayuu yiri Sheekh Umal oo intaasi ku
daray in Culumada qadarin ay kuleeyihiin Mujtamaca dhexdooda
warkoodana ay tahay in laga maqlo oo waliba la tixgeliyo.
Sheekh Umal ayaa hada u
muuqda inuu waxbadan ka gaabiyay eedayntiisii uu ku ee
deeyay Madaxwayne Sheekh Shariif inuu ka tanaasulay in
shareecada dalka lagu dhaqo ka dib markii uu o gaaday in
Ooda jiidisteeda iyo qaadideedu tahay isla gurigayn.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |