Madaxwayne ku
Xigeenka Somaliland oo shaaca ka qaaday In midnimada
Soomaliya ay muqadas tahay.
(Hargaysa, February
08, 2009 Ceegaag Online)
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii ugu horeysay maanta
shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland aanay kala
go’I Karin,isla markaana waxa uu soo dhaweeyay Madaxweyne
Sheekh Shiriif-ka dhawaan loo doortay Koonfurta Soomaaliya
iyo Xukuumadda uu dhisi doono, oo uu ku tilmaamay mid ay
Somaliland aad isugu dhawaan doonaan.
Madaxweyne Ku-xigeen Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay mar uu
maanta ka hadlayay Xaflad Casuumad ah oo uu u sameeyay qaar
ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee taageera Xisbiga UDUB oo
dalka u yimi ka qayb-galka Shirweynihii labaad ee Xisbiga oo
04-tii bishan lagu soo gebagabeeyay Hargeysa, xafladaasoo
lagu qabtay Huteel Crown ee Magaaladda Hargeysa. Waxaanu
Madaxweyne Ku-xigeenku ku doodaay in ay Xukuumad ahaan
muddadii ay xilka hayeen dalka u soo hooyeen guulo badan oo
ay ka mid yihiin, doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka
dhacay, sugida Xuduudaha, dhawrida nabadgalyada iyo
xidhiidhka siyaasadda arrimaha dibada oo uu xusay inay
wakhtigan meel aad u fiican marayso.
“Berigii hore halkay innaga taagnaayeen arrimaha dibadu
maanta inagama taagna ee aad bay uga dhaw yihiin, waxaan
weliba rajaynayaa haddaynu nahay Somaliland oo aan filayaa
imika maamulka qabsaday Koonfurta Soomaaliya in aynu la
jaan-qaadi karno, maxaayeelay waa dhalinyaro cusub oo da’dii
1960-kii talinaysay meesha way ka baxday. Waxa weeyaan
da’dii lixdankii talinaysay waa da’ ciil-qabta oo wax badani
siyaasad ahan soo dhex mareen. Waxaan filayaa Sheekh Shariif
in uu Qaranka Somaliland iyo Soomaaliya si fiican u kala
guri doono.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka
Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii
wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dabcan Soomaaliyi
kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysaa
ma jirto, sidaa Yurub baa la noqon doonaa, laakiin qolo
waliba horto inay dib isu soo dhisto oo ay dib u muuqato, oo
hadhaw wax la saxo. Ninna laga celin maayo Hargeysa, midna
Xamar laga celin maayo, dadka khalad baa la fahan siiyay oo
waxa la yidhi xad baa la xidhayaa, Ciidan baa la keenayaa oo
ninna soo gudbi maayo, waxaasi waa wax dadka lagu fogaynayo
ee dadku waa dadkii uun, laakiin Yurub-ba siday wax u kala
leedahay ayaynu wax u kala yeelanaynaa (Soomaaliya iyo
Somaliland), dadkuna sidaas ayay isu dhex soconayaan.”
Xigasho: Hadhwanaagnews
webmaster@ceegaag.com |