Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki-Moom oo sheegay
in Ciidamo ka socda qaramada Midoobay la gaynayo
Soomaaliya hadii aanay xaaladu wax iska badalin.
(Daarasalaam,
Tanzaaniya February 27, 2009 Ceegaag Online)
Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa Soomaalida ugu
baaqay in ay joojiyaan dagaallada, isagoo ku guda-jira
socdaal ku marayo qaar ka mid Dalalka Qaaradda Afrika.
Ban Ki-Moon ayaa hadalkan jeediyay xili uu booqanayay
Caasimadda Tanzania ee Darasalaam, wuxuuna isagoo sii
hadlayay uu Soomaalida ugu baaqay in ay taageeraan
dadaallada nabadeed ee Soomaaliya xalka loogu raadinayo.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo doonaya in uu booqdo
dhowr dal oo Qaaradda Afrika ku yaala sida Koofurta Afrika,
Congo iyo Rwanda ayaa ujeedada socdaalkiisan waxaa lagu
sheegay in ay la xiriirto sidii loo joojin lahaa dagaallada
ka socda Qaaradda Afrika.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo qalalaasaha
ka socda Congo, Suudaan iyo Soomaaliya, gaar ahaan Dalka
Soomaaliya buu yiri oo muddo 20 sano ah aysan ka jirin wax
dowlad ah, wuxuuna soo jeediyay in Soomaaliya ay u baahan
tahay in loo taageero amni ahaan iyo siyaasad ahaan.
Mr. Ban Ki-moon ayaa lagu wadaa in uu furo Xafiis ay
Qaramada Midoobay ku yeelan doonto Jaziiradda Zanzibar, ka
hor inta uusan u dhoofin dalka Masar oo ku jira Wadamada u
qorsheysan in uu Qaaradda Afrika ka booqdo.
Ugu dambeyntiina, booqashada Xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa timid iyadoo hay’ado badan oo
UN-ka ka tirsan ay muujiyeen walaac ku saabsan in ay
Soomaaliya ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo aad khatar u
ah, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Soomaaliya siiso
malaayiin doollar oo kaalmo deg deg ah.
Hadalka Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa qayb ka ah
dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in wax looga qabto
colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya.
Ban-ki-moon ayaa sidoo kale Sheegay in soomaaliya la gaynayo
ciidamo ka socda qaramada Midoobay hadii ay ka sii darto
xaalada islamarkaana la waayo xal nabadeed.
Ban-ki Moom ka hor ayaa waxaa isaguna ka hadlay xaalada
soomaaliya Gudoomiyaha Midawga Yurub Louis Michel xilli uu
ka qayb qaadanayay shir weyne ay midawga Yurub soo
abaabushay oo ka dhacayay Magaalada Brussels ee wadanka
Biljim.
Louis Michel ayaa sheegay in beesha caalamka ay la
gudboontahay in la taageero dawlada Midnimada qaran hadii
kale ay diyaar u noqdaan fashil markale ku yimaada Maamulka
dhawaan lagu soo yagleelay Magaalada jabuuti
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |