Waa sidee
Waxbarashada Degaanka Cowsane ee Gobolka Sanaag (Daawo
Sawirada)
(Cawsane,
Sanaag. February 28, 2009 Ceegaag Online)
Magaalada cowsane waxa ay ka mid tahay
Magaloyinka Gobolka sanaag waxaana ay ku talaa goob shaaraca
oo loo sii maro Magaaloyin badan oo ay ka mid tahay
Magaalada Badhan iyo Cerigaabo ,waxaana ay aad uga liidataa
dhinaca waxbarashada iyo biyaha iyadoo dadka ku dhaqan
Degaankaasi aaney cidna gacan ka helin.
Safar aan ku tagnay Magaalada cowsane ayaan ugu kuur galay
Dhinaca waxbarashada degaankaasi,waxaana ka jirata araday
aad u tiri badan oo walidiintoodu Magaaladaasi degaan ku
yihiin oo aan haysan Meel ay wax ku bartaan mana jirto wax
dhisme wax barasho ah oo laga hirgeliyey, in ka badan 100
Arday oo Reer Cowsane ah ayaa waxaa sabuuradu u dhextaal
Cariish ka ama hoosa bal ah ,Waalidiinta caruurtaasi dhalay
ayaa aad ugu mashquulsan sidii caruurtooda ugu helilahayeen
waxbarasho lakiin ma jirto ilaa iminka wax tageero ah oo ka
helaya dhanka deeqbixiyaasha waxbarashada.
Ardayda qaar ka mida oo aan
su,aalo waydiinay ayaa sheegay inay aad u jecelyihiin
waxbarashada lakiin aysanjirin cid ilaa iminka ka hoos
qaaday aysanjirin haba yaratee Walidiinta ayaa sheegay iyana
inaysan awood u lahayn ay ku samaystaan dhisme iskuul iyagoo
lacag aad u yar u ururiya Macalinka wax ka dhiga iskuulkaasi
isla markaasina u iibiya ciyaalka buugaga iyo Derayska
ardayda.
Waaliinta Degaanka cowsane
Caruurtu wax uga barataa waxay dalbadeen in laga tageero
dhinaca biyaha iyo waxbarashada ,Iyadoo ay Xusud mudantahay
inay jiraan haatan lacago soo gala degaano ka mida gobolka
sanaag ka dib markii General ilkajiir uu hirgeliyey
4kantarool oo ku kala yaal Durduduri,Cowsane,Ceelaayo,iyo
Laasqoray oo haatan ay ka soo xerodeen Malaayiin lacago ah.
Waxaa iswaydiin mudan
markaad aragto Magaalada cowsane iyo ardayda wax ka barata
baaxada ay leedahay ,iyadoo aysan Malcamad u gaarana ardayda
lugu barin Quraanka aydarada Barta quraanka kariimka ah.
Degaanka cowsane waxa uu ka mid yahay meelaha sida wayn u
dhisamaya marka loo barbardhigo ama la qiyaaso sanad walba
heera uu marayo,lakiin waxaa dhib wayn ay ka jirtaa
dhinacyada waxbarashada iyo horumarka bulshada ku dhaqan
Degaankaasi.
4Sano Masaajidka cowsane waxa uu ahaa qabyo waxaana hore u
hagraday Hay,addo lacag ku qaatay hadaba su,aasha loo
baahayahay oo ka furani waa ku darso wixii aad awoodid
Masjidkaasi.
Maxamed Axmed Ciise
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |