Qaramada
midawday oo dib u bilawday Mushaharkii Ciidanka Booliska
magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, February
11, 2009 Ceegaag Online)
UNDP da ayaa dib ugu bilowday
mushaharkii ay siinayeen ciidamada Booliska ee caasimada
Muqdisho bishan Feberwari kowdeeda. ciidamada Booliska ee
caasimada oo tiradoodu gaadhaso 2800 oo askari ayaa
helidoona mushaharkooda bisha dabayaaqadeeda.
Taliyaha
Ciidanka Booliska Cabdi Qaybdiid oo ah ragii ka qayb qaatay
dagaaladii sokeeye oo hadana hormood u ah ciidamada Booliska
ee reer Muqdisho ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay qaramada
midawday ku talaabsatay .
Ciidanka
biiliska ayaa waxaa yagleelay dawladii Cabdulaahi Yuusuf ee
dhacday bishii hore. ilaa intii ay ka burburtay dawladii
Madaxwayne Siyaad Bare.
Talaabadan
ay UNDP ku dhaqaaqday ayaa wax wayn ka qaban doonta amaanka
Caasimada Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |