Nin gacan ku dhiigle ah ayaa maalmihii la soo dhaafay si
waxashnimo ah ugu dilay bartamaha magaalada Garoowe labo nin
oo saarnaa gaari dhexmarayey magaalada, Ciidanka Booliska ee
garoowe ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo
dhigaan gacan ku dhiiglahaa oo isku dayey in uu baxsado.
Waa falkii ugu horeeyey oo qisaas ah ee ka dhaca
magaalada Garoowe ilaa iyo intii uu Maamulka Puntland
madax-weynanimo la wareegay Dr.C/raxmaan Faroole,
Shacabka Puntland ku dhaqan ayaa aad u soo dhoweeya in la
fuliyo xukunada qisaasta ah arinkaas oo jaajin doonto
dilalka ku dhisan ay fuliyeen dhalinyarada daroogada iyo
qaadku madaxmaray.