Jirjiroole
Indho-cade oo u soo janjeersamay dhinaca dawlada inta aan
la buuxin jagooyinka wasiir ku xigeenada.
(Muqdisho, February
25, 2009 Ceegaag Online)
Dagaalo bilaamacno ah oo lagu xasuuqayo shacabka reer
Muqdisho oo dhiigooda la xalaaleestay ayaa ilaa shalay ka
darkamaya xaafada Hodan oo hoog iyo halaag ku jirta ilaa
intii laga caydhsaday dadkii ay hodanka ku ahayd.
Indho
cade oo ay taladu ka hoos baxday ka dib markii saaxiibadii
ka hor yimid oo ay saaxibadii la wareegeen talada dalka ayaa
markii ugu horeesay ka dhawaajiyay inuu u soo jan jeersaday
dhinaca dawlada Soomaaliya inta aan la buuxin Jagooyinka
Wasiir ku xigeenada.
Kooxaha Alshabaab iyo Xisbul fawda oo isku magacaabay
diinteena Xaqa ah, iyaga oo lacag uga qaata dadka islaamka
neceb, ceebaynta ay ceebeenayaan Diinta islaamka iyaga oo ku
andacoonaya inay ku jiraan Jihaad ilaahay dartii ah ayaa
hada si toos ah u weeraraya oo u laynaya reer Muqdisho.
Kaaxahan ayaa hada ku fashilmay xukun doon nomadoodii ka dib
markii ay maxkamadaha Islaamku la wareegeen taageeradii iyo
aqoonsigii caalamka iyagoo awoodii dalkana gacan bira ku
qabanaya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |