Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegay in
xubnihii ururada bulshada rayidka ee ku biiri lahaa Baar
lamaanka DFKM uu hareeyey is qabqabsi iyadoo liisas kale
duwan ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka
Aadan Madoobe.
Xubnaha Bulshada rayidka ah ayaa is qabqabsaday ka dib
markii loo jaan gooyey ilaa 53 xubnood in laga soo xulo
xubnaha aadka ugu dhawaa Isbahay siga dib u xoraynta ee ka
tirsanaa Bulshada rayidka.
Waxaa kale oo aad la iskugu haystaa qaabkii 4.5 loogu
qaybsan lahaa xubnaha bulshada rayidka ah oo ku biiri lahaa
Baarlamaanka DFKM, ilaa iyo hadda ma jiraan cid ka tirsan
bulshada rayidka ah oo la dhaariyey.
Dhinac kale waxaa koox dhalinyaro ah ay weerareen
xilibaan Tarax iyagoo u gey stay dhaawacyo aan ilaa hadda la
aqoon inta uu la'eg yahay, kooxdaan xilibaan ka weerartay
ayaan ilaa hadda la aqoon sababta ay xilibaanka u weerareen
ciidanka amaanka dalka Jabuuti ayaa aad u adkeeyey Hoteelada
ay degan yihiin Masuuliyiinta sarsare ee DFKM.
Xubnihii ka tirsanaa bulshada rayidka oo filayey in la
dhaariyo maanta ayaan la dhaarin oo dib u dhac ku yimaadeen
sida uu saxaafada u xaqiijiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad
ee Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqore, Beelaha ayaa waxaa ka
dhex taagan is qabqabsi iyadoo beel walba ay u xaglinayso in
beesheeda loo badiyo.
www.ceegaag.com