Jaamacadda
carabta oo deeqdii ugu horeesay soo gaadhsiinasa
dawlada Soomaaliya
(Qaahira,
February 16, 2009 Ceegaag Online)
Ururka aan ilkaha lahayn ee ay isugu yimaadaan qowmiyada
ku hadasha afka Carabi ee loo yaqaan Jaamacada Carabta ayaa
ugu deeqay lacag Halmalyan oo Doolar ah Dawlada Soomaaliya
iyada oo ay dawladu si deg deg ah ugu baahan tahay lacag
ilaa 500 oo Malyan oo doolarka maraykanka ah.
Xoghayha reer Masar ee Ururkan Caamir Muusa ayaa amar ku siiyay in
lacagtaa dawlada gacanta laga galiyo sidaana waxaa cadeeyay
Samiir Xusni oo ah u qeybsanaha
ururka Jaamacadda Carabta ee arrimaha taakulaynta qaaradda
Afrika.
Soomaaliya oo ah xubin kamida ururkan
ayaana istaahilin in lasiiyo lacag intaa leeg marka loo eego
baahida balaadhan ee ka jirta.
Mr.
Samiir Xusni ayaa warkaan sheegay xilli uu ku soo jeeday
magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo lagu wado
inuu ka furmo kulan looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya
gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo gargaar la siiyo dalka
Soomaaliya.
"Soomaaliya
waxay u baahan tahay in taakulayn lala garab istaago oo la
caawiyo" sidaa waxaa yiri Mr. Samiir Xusni ninka ururka
Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Afrika.
Amarka
lacagta taakulaynta lagu siinaayo dalka Soomaaliya waxaa
bixiyey xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Mr.
Caaamir Muusa oo hadda isagu ka qeyb galaya shirka arrimaha
Somalia looga hadlayo ee ka dhacay magaalada Addis-ababa ee
xarunta dalka Ethiopia.
Waa
deeqdii lacageed ee ugu horeysay ee loogu deeqo dowladda
Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey markii la doortay
madaxweynaha cusub Sh. Shariif Sh. Axmed oo dalalka caalamku
ay si weyn u soo dhaweeyeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |