Kornayl Qadaafi
oo sharaxaad kale ka bixiyay Budhcad badeeda Soomaliya
iyadoo laga yaabo in Rag badan ka boqooli doonaan Barafka
Qurbaha.
(Addis-Ababa, February
06, 2009 Ceegaag Online)
Hogaamiya Wadanka Liibiya Mucamar-Al Qadaafi ayaa ka
dhawaajiyay waxa uu ka aamin san yahay weerarka qaawan ee
lagu soo qaaday badaha Soomaaliya.
Korneelka ayaa yidhi raga ilaashanaya badahooda ayaad ku
tilmaamasaan Budhcad waxaa budhcad ah dadka daldalanaya
khayraadka Soomaaliya oo waliba ku aasaya hadhaaga sunta
warshadaha ee dalalkooda.
Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Qadaafi ayaa sheegay in laga
badbadshay Dhalinyarada Somaalida ah ee Badooda ilaal sanaya
isla markaasna ay san ahayn Burcad Badeed, Hogaamiyaha oo
Adis-Ababa Saxaafada kula hadlayey kadib Shirkii Midawga
Afrika ee Halkaas kusoo gaba gaboobay aya yiri” Dhalinyarada
Somaalida waxey wadaan is difaacid waxayna ka hortagayaan
Wadamada Reer Galbeedka Hunguriga weyn ee dhaca u geysanaya
badda dadka masaakiinta ah ee Somalida ee ayagu Gar gaarka
ubaahan”
Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Ahna Gudoomiyaha Ururka
Midawga Afrika Qadaafi ayaa Siweyn udifaacay Hawlaha ay
Wadaan Burcad-Badeeda Somaalida ah Asagoona sheegay in sida
loo buun buuninayo aysan Arintu ahayn.
Wuxuu sidoo kale sheegay in howsha ey wadaan Burcaddu ey
tahay mid ey isaga difaacayaan reer galbeedka qeyraadkooda
dal-dalanaya islamarkaana gaajada ku dilaya caruunta
Somaliyeed iyo shacabka Somalida.
Qadaafi ayaa iminka u muuqda inuu sharaxaad kale ka
bixiyay Dagaal yahanada Difaaca Badaha Soomaaliya arintan oo
la rajeenayo in ay Rag badan isaga tagi doonaan ka
xamaalashada Barafka oo ay sadex sadexdaa Malyan ee laga
helo qafaalashada maraakiibta u xusul duuban doonaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |