Looma dhama ee
ma soconaysaa?!!!!!
(Soomaaliya, February
26, 2009 Ceegaag Online)
Mahad
iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo
nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo
Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii
Intaas
ka dib:
1991kii markii burburku
ku dhacay wadankeena qaaliga ah, ayaa waxaa loogu qabtay
qaar beelaha Soomaalida shir loogu magac daray
dibuheshiisiin magaalada Jabuuti, halkaas oo ay isugu
yimaadeen dad gaar ah oo ka soo jeeday beelaha Soomaalida
qaar, waxaa marti geliyay oo dhexdhexaadinaayay Aabihii inta
dabadhilifka ah ee gumaysiga daba cararta oo dhan, waa
odaygii koofiyada dheeraa ee Allaah uma naxariistaanka ahaa
ee markaa Madaxwaynaha ka ahaa Jabuuti Xassan Guuleed
Abtidoon, Allaah buu ka helayaa waxa uu mudan yahay ee, waa
kii sanadaha badan ku hoos hayay Jabuuti gumaysiga, waa kii
shirqoolay halyayada gobanima u dirirka ahaa sida halyay
Maxamuud Xarbi iyo qayrkiisba, waana kii gacanta wayn ka
gaystay in uu wadankeenu burburo.
Shirkaa
shirqoolka ahaa waxaa loo diiday in ay ka soo qayb galaan
beela badan oo Soomaali ah, iyadoo qaarba sababa loo yeelay
layskaga hortaagaayo in ay meesha yimaadaan, qaar la
yidhaahdo waa hadhaagii Maxamed Siyaad Bare iyo qaar la
yidhaahdo waa beela aan hubaysnayn!!! Iwm, ugu dambayna
shirqoolkaa waxaa lagu soo dhoodhoobay waxay ugu magac
dareen dowlad oo madaxwaynena loogu doortay Cali Mahdi
Maxamed. Isla markiiba Soomaalidii aan laga tashan arintani
waxay kala horyimaadeen diidmo ah in aan dowlada halkaas
lagu soo dhoodhoobay iyo shirka halkaa ka dhacayba aan loo
dhamayn ayna waajib tahay in aan lala shaqayn oo kalsooni la
siinin, sidiibayna noqotay oo waa laga horyimid, waxayna
taasu cirka ku sii shareertay dagaalkii sokeeye ee awelba ka
soconaayay wadanka.
Waxaa sii kordhay
kooxihii iska soo horjeeday oo kuwa cusub ayaa samaysmay,
kuwa isku mid ahaa baa kala qaybsamay, isbahaysiya cusub baa
abuurmay, waxaa sii laba laxaadsaday qaskii, burburkii,
dhiigii daadanaayay, boobkii iyo bililiqadii, macaluushii,
daraxumadii, barakacii, cuduradii, waana waqtigii ay dhacday
in sun lagu aaso wadankeena bad iyo beriba, waqtigaa dadka
iyo dalkaba waxaa ku habsatay dhib ina soo marta tii ugu
waynayd oo aan hore iyo dibtoona uga dhicin, mudo ka dib
waxaa shirar loogu qabtay Soomaalida magaalooyinka Qaahira,
Addis ababa, Eldoret iyo Muqdisho, iyada oo ay xoogaa
shirarkaa dambe ay ka gedisanaayeen kii ka horeeyay ee
Jabuuti lagu qabtay xaga ka qayb galka, hase yeeshii marna
ma ay gaadhin sidii ka qayb galku mudnaa oo wax badan lagama
bedelin cidii ka qayb gelaysay kii u horeeyay.
Sidaas
darteed ayaa dhamaan waxay ku dhamaadeen guuldaro, oo waxaa
lagala horyimid go’aanadii ka soo baxay dhamaan hadalka ah
“looma dhama”, sidaas baana lagu horjoogsaday oo ay u socon
waayeen go’aamadii ka soo baxay dhamaan. Mudo ka dib ayaa
hadana shirwayne loogu qabtay Soomaalida Jabuuti magaalada
Carta, shirkaas oo ahaa runtii kii keli ahaa ee la odhan
karaayo bulshada Soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan oo dhan
baa ka soo qayb galay oo way u dhamayd, wallow aanay qaar
dagaal oogayaashii iyo labada maamul ee Somaliland iyo
Puntland ka soo qayb gelin, hadana waxaa joogay madasha
shirka oo ka soo qayb galay dad badan oo aad u muhiim ah oo
ka socday dhulka ay xukumaan,
Wuxuu ahaa shirwayn
Soomaaliyeed oo ka madaxbaanaan fara gelinta debeda, marka
laga reebo dowlada Jabuuti ee marti gelisay shirkaa, oo
iyadu fara gelin toos ah ku haysay hase yeeshee markaa waa
loo dul lahaa, mar haday shirka marti gelisay una ogolaatay
in ay bulshada intaa tirada le’egi ka soo qayb gasho,
shirkaa go’aamo muhiim ah baa ka soo baxay oo ka duwanaa
kuwii ka horeeyay, waxana lagu soo dhisay dowlad midnimo
qaran, waxaana madaxwayne ka noqday Dr. Cabdulqaasim Salaad
Xassan, Soomaalidu guud ahaan aad bay u soo dhowayeen
dowladaa, waana markii ugu horaysay ee shacabku uu dhamaan
ogolaado dowlad loo dhisay intii burburkii ka dambaysay,
waxana markan la maqli waayay oo meesha ka baxday hadalkii
ahaa: “looma dhama”
Hase
yeeshee dowladaasu way socon wayday caqabada badan awgeed,
oo ay ugu horayso beesha calaamka oo is hortaagtay oo u
adeegsatay oo ku kicisay dagaal oogayaashii markaa wadanka
ka jiray, waayo beesha caalamku ama aan nidhaahno wadamada
reer galbeedku ma ahayn dowladii ay Soomaaliya la rabeen,
sidoo kale iyo wadamada deriska ah oo aan marna rabin in ay
Soomaaliya cagaheeda dib isugu taagto, iyo iyada oo dowladii
markaa la soo dhisay ay ka gaabisay in ay dalka iyo dadka u
adeegaan, oo dowlada tayadeeda kor u qaadaan, taageerada
dadkana kasbadaan oo ay si daacad ah ugu adeegaan, bal waxay
iskaga mashquuleen is qabqabsi iyo awood ku dirir meel aan
awoodiba ka jirin.
Mudo ka dib ayay hadana
beesha caalamka oo wadata wadamada deriska ay shir ugu
qabteen Soomaalida Kenya magaalada Mbagathi, kaas oo ay xaga
ka soo qayb galka ay xooga saareen dagaal oogayaasha,
dowladii Cartana la keenay madasha shirka, halkaas oo
cadaadis iyo hanjebaado lagu saaray ka soo qayb galayaashii
shirkaas in ay dowlad ay ku midaysan yihiin dhisaan, beesha
caalamkuna ay dowladaas taageerto, waqti dheer ka dib waxaa
lagu guulaystay oo lagu sandulayay ka soo qayb galayaashii
shirka, in ay dhisaan dowlada fedaraalka ah ee maanta taagan,
madaxwaynena loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sidii
cadaadada ahayd waxay dad waynihii Soomaalidu kala
horyimaadeen hadalkii ahaa: “looma dhama”, waana tii ay
dagaalo dhaceen ay iskaga hor yimaadeen dagaal oogayaasha
iyo midowgii maxkamadaha islaamku.
Waana
tii ay ka dambaysay in ciidamadii cadawga dalka la soo
geliyo, oo dhibaatada baaxada lihi ku habsatay dadwaynihii
oo ay noqdeen wax dhiigooda la daadiyo, iyo wax barakacay oo
banaanada darxumo la daadsan, markay arimihii sidaas isugu
murgeen ayay hadana beeshii caalamka oo wadata Au iyo
wadamada deriska ah ay go’aansadeen in dowlada fedaraalka ah
la balaadhiyo, hogaankeeda sarena wax laga bedelo, waana tan
shirka lagu qabtay Jabuuti waxayna go’aansadeen beesha
caalamku markan in ay arintan xoog ku mariyaan, waxayna
isticmaaleen cadaalad daro aad u fool xun si ay ujeedadooda
u gaadhaan, oo aan hore uga dhicin intii shir la soo maray
iyo Aduunyadaba, isla markiiba dad waynaha Soomaaliyeed
waxaa ka soo yeedhay hadalkii ahaa: “looma dhama”.
Laakiin
markan waxay goosteen beesha caalamka iyo Au iyo wadamada
deriska iyo Soomaalida intii ay dantu sidaas ugu jirtayba in
aan loo joojin bal dagaal lagala horyimaado hadalkan ah :
“looma dhama”,korkana laga saaro dembiga iyo in uu ka masuul
yahay hadalkaasu wixii musiibo iyo burbur ka dhacay wadanka!!!
Kana ay shaqayn waayeen dhamaan dedaaladii laysku deyay in
dalka lagu badbaadiyo!!! Waxa markan la goostay in arintan
xoog lagu mariyo iyadoo dhamaan Baarlamaankii hore wax walba
lagaga ansixiyay cadaadis iyo cagajuglayn, waana ta halkaa
hada lagu soo dhisay dowlad uu madaxwayne u yahay Shiikh
Shariif Axmed, hase yeeshee weli Soomaalidii waxay la soo
taagan yihiin in ay dowladanu ku timid cadaalad daro, oo ay
tahay gacan ku rimis, dhismeheedana aan loo dhamayn.
Shirkii ugu dambayay ee ay culimada
Soomaalidu ku yeesheen magaalada Muqdisho ayna go’aamada
dhowrka ah ka soo saareen, waxa la leeyahay looma dhamayn,
oo dhowr wadaad oo isku fikir ah baa isugu yimid, oo iska
soo saaray go’aamo aanay cidna kala tashan, ha ahaadeen
dhinacyada iska soo horjeeda ama qaybaha kala duwan ee
bulshada Soomaaliyeed, waxadnaba moodaa in ay wadaadadanu
isu qaateen amaba ay yihiin suldadii wadanka ugu saraysay!!!
Miyaanay ahayn mar hadii dowlad la soo dhisay, oo ay jirto,
oo ay beesha caalamku wadato oo soo dhisatay, bal in ay ka
xog waraystaan waxyaabaha loo soo igmaday iyo waxay fulin
karayaan iyo wixii kale, oo la tashadaan iyaga iyo
dhinacyada ka soo horjeedba, inta aanay iska soo saarin
go’aamo aanay ka dhalanayn wax aan fidno iyo colaad ahayni.
Si gaar
ah waxay dowlada la soo dhisay ugaga xog ogaalsan tahay
wadaadadaa arimo badan oo inagu xeeran xaga beesha caalamka
iyo gudahaba, mase laga yaabaa in ay wadaadadu si khaldan u
fasirteen guushii hada la gaadhay ee ciidamada cadawga kaga
baxeen wadanka, dowladii Cabdullaahi Yuusufna lagu
afgembiyay, sidii ay in badan oo ka horayseba ay khaladka
ugu fasirteen?!! Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan dambe
dad badni tuhum dusha uga tuureen hadalka ah: “looma dhama”
in uu masuul ka yahay dhibta wadankeena ka taagan, dowladna
aan laga dhisi karayn hadalkaa, aniga se waxa ay iigu
muuqataa in uu hadalkaasu sax yahay, oo ay mar walba
ciirsanaayeen inta dulmani, oo ay isku hortaagayeen isku day
kasta oo ay dad ama kooxo amaba dowlado debeda ahi
samaynayeen, aanayna Soomaalidu mudadaa dheer marna isugu
iman tala loo dhan yahay, oo cid walba xuquuqdeeda lagu
ilaalinaayo, marka laga reebo shirkii Carta oo isna loo
odhan karo xoogaa baa ka dhinaa.
Danaha caalamka
qaarkiis ka leeyahay Soomaaliya
Wadamada
waawayn ee reer galbeedku dana waawayn oo aan mugdi ku jirin
bay ka leeyihiin wadankeena, siday wadama badan oo caalamka
3aad ahna ay uga leeyihiin dano waawayn, wadan walba gaar
iyo dano ay dhamaan ka leeyihiin, wadamada reer galbeedku
waa wadamada dunida ugu xooga waawayn xaga awooda ciidamada,
awooda dhaqaalaha iyo awooda aqoontaba, taas oo u suura
gelisay in ay ku sandulayn karaan rabitaankooda inta kale
aduunka, si ay wadamadaasu u gaadhaan rabitaankooda ay ka
leeyihiin wadan kale waxay u adeegsadaan xeelado kala
gedisan, inaga waxay inoogu tala galeen in marka hore
wadanka la burburiyo iyadoo ay u adeegsadeen warbaahinta,
dowladaha deriska ah iyo dadkii wadanka iska lahaa oo
dhexdooda colaad iyo kala qaybsanaan laga dhex abuuray.
Burburka
ka dibna markii ay darxumo iyo wax la’aan ummadii wada
saamaysayna, waxay wadankii gacanta u geliyeen haya’daha
lagu magacaab samafalka runtiise ah samadiidayaal, kuwanu
waa gumaysi aan toos ahayn oo ay inaku qabsadeen reer
galbeedku, si goobta loogu banayona waxa la fogeeyay oo
meesha laga saaray haya’dihii samafalka ahaa ee muslimiinta,
iyadoo shirqool loo samayay oo lagu eedeeyay in ay xidhiidh
la leeyihiin waxay ugu yeedhaan argagixisada caalamiga ah
iwm, si ay iyagu ugu keliyaystaan wadanka shirqoolkooduna u
hirgalo, oo ay ugu guulaystaan, waxaa kaabayaal u ah oo u
fududeeya hawlahooda, wadamo ay reer galbeedku taas u
xilsaarteen iyana oo wadamada deriska ah, oo ay ku jirto
Jabuuti, kuwaas oo u adeegaaya danaha reer galbeeda iyo
weliba dana gaar ah oo midkood waliba ka leeyahay wadankan
oo aynu wada ognahay.
Tusaalayaalka aan arintan
u soo qaadan karnaa way badan yihiin, waxaan se kaga
kaaftoomayaa hal tusaale oo keli ah oo ah: shirqoolkii
Jabuuti hada markii la rabay in la balaadhiyo baarlamaanka,
waa tii ay qayladu is qabsatay gudaha baarlamaanka iyo guud
ahaan Soomaali oo dhanba, in aanay arintanu suura gal ahayn,
sidee baa wadankan burbursani u qaadi karaa baarlamaanka
intaa tirada le’eg?!! Aadam Madoobe oo arintaa ka
dhaadhicinaayay baarlamaanka jawaabtii uu beesha caalamka ka
kulmay, wuxuu yidhi: waxay igu yidhaahdeen Soomaaliyay ma
idinkaa baarlamaanka hada wax siiya?!!! Kii hore anaga ayaa
siinaynay marka la balaadhiyona anagaa ayaa siinayna, idina
hadaydaan ogolaan oo ansixin balaadhinta baarlamaanka faraha
ayaa laydinka qaadayaa oo wax laydin siinayaa ma jirto.
Nin
waliba markii uu hadalkaa maqlay ayuu qalinka ku duugay oo
ka tanaasulay dhamaan wixii uu ku doodaayay iyo
fikirkiisiiba!!! Waa gumaysi aan toos ahayn oo aanad
rabitaankaaga u madaxbanaanayn haba yaraatee. Wax laysku
gumaysanaayna waa xoogaga kuwaas la siinaayo iyo xoogaa
galay iyo saliid caday ah oo marmar dadka tabaalaysan lagu
marmariyo, intaas baan xoriyadeenii iyo qaranimadeenii
siisanay. Danaha reer galbeedku inaga leeyihiin ee keenay in
wadanka sidaas loo burburiyo ummadana waxaas oo darxuma ah
la bado, oo waxaas oo dhiig ah la daadiyo, oo intaas oo
ummad ah la barakiciyo, waa arimo fara badan oo aan ahayn
wax qarsoon, arimaha qaarkood waxaynu la wadaagnaa oo ay
isku si inooga leeyihiin wadama badan oo aduunka 3aad ah,
gaar ahaana kuwa islaamka ah.
Arimaha
qaarkoodna waa inagu gaar, sida inaga oo ah dad muslim ah oo
diintooda ku adag, aynuna ku dhacno bariga Africa oo ay ku
yaalaan dowlado Masiixi ah oo aad ugu muhiim ah wadamada
reer galbeedka sida Ethiopia iyo Kenya iwm, kuwaas oo ay
yidhaahdeen Soomaaliya waa albaabka uu islaamku kaga soo
fidaayo, markaa si taas looga hortago waa in layna
burburiyaa dowlad ahaan, dhaqaala ahaan, iyo aqoon ahaanba,
markay intaasu hirgashona laynaga soo galaa xaga dhaqaalaha
ugu horayn inakoo tabaalaysan oo quudin u baahan, dabadeedna
xaga aqoonta oo laguu soo guuriyo dhaqankooda iyo fikirkooda
iyo miladoodaba, dabadeedna ay inaga helaan dad iyaga la mid
ah oo u daacad ah, in intaa ka horaysaa hadba laguu dhiso
dowlad daciif ah oo mudo yar ka diba iska burburta qorshaha
ayay ugu jirtaa.
Run ahaantii mudadaa
dheer ee ku dhow labaatanka sanadood, ee aynu ku sugnayn
burburka waa ay jiraan midho laga gaadhay oo aan sidaas u
badnayn ujeedooyinkii shirqoolkan aynu ku suganahay laga
lahaa, laakiin intii badnayd ujeedooyinkoodii waa faanoole
fari kama qodna, hore ayaan waxaan ugu tilmaamay in xaalka
Soomaaliya uga dhigan yahay wadamada reer galbeedka iyo kuwa
deriska ahba, sidii dheri dabka saaran oo la sugaayo intuu
bislaanaayo, hase yeeshee ilaa hada dherigaasu waa bislaan
la’yahay, oo cidna ma raali gelin siduu u bislaanaayo iyo
raagsiinyihiisuba, ha ahaadeen dowladaha shisheeyaha, ama
kuwa wadanka u dhashay laakiin shirqoolka fulinaayay ee lagu
adeegsanaayay ama shacab waynaha oo iyagu ka rajaynaayay wax
wanaagsan, waxaan se shaki ku jirin in shirqoolkan lagu
guulaysan doono hadaan Soomalidu baraarugin oo xaaladooda
wax ka bedelin
Shiikh
Shariif iyo dowladiisa ma hor taalaa wax fursad ah oo ay
wadanka ku badbaadin karaan oo ay ku soo celin karaan
karaamadii, sharaftii iyo qaranimadii luntay?
Laba
qolo oo ugu dambaysay oo wadanka soo martay mudooyinkan u
dambayay, waxaan qabaa in midkood waliba uu lumiyay fursad
aad u qaali ahayd oo hortiilay markaas, oo ay dalka iyo
dadkaba ku badbaadin lahaayeen, aynuna kula soo noqon lahayn
sharaftii, karaamadii iyo qaranimadeenii luntay, qolada hore
waa midowgii maxkamadaha markii Allaah tacaalaa guusha
solonsiiyay oo uga hiiliyay dagaal oogayaashii dalka
burburiyay ee ummada dhiigooda miiran jiray ee daalimiinta
ahaa, ayna gacanta ku dhigeen gobolka Banaadir iyo dhul
badan oo kale, waxay ahayd in ay heshiis la galaan dowlada
fedaraalka, oo ayna ka qayb geliyaan ummada inteeda kalena,
halkaana lagu dhiso dowlad midnima qaran oo dhab ah, ma se
yeelin ee waa is mahadiyeen oo qooqeen oo is yidhaadeen ma
jirto maanta cid iska kiin celin karta, ee waa
Inaad
Soomaaliya oo dhan qabsataan cagtana marisaan cid kasta oo
iskiin hortaagta, oo aad dhamaan ku sandulaysaan
rabitaankiina, kibirka sidaas ahna natiijadii ka dhalatay
waynu ognahay iyo halka ay maxkamadihii ku dambayeenba,
Shiikh Shariifna ragas fursadaas qaaliga ah lumiyay hormood
buu ka ahaa, qolada kalena waa dowladii Cabdullaahi Yuusuf
iyo Cali Maxamed Geedi markii iyaga oo Baydhabo ay ku
hareerayeen midowgii maxkamaduhu, uu cadawgu u soo hiiliyay
oo ay cagta mariyeen maxkamadihii, kana qabsadeen dhamaan
dhulkii ay ka talinayeen, waxaa iyana hortimi fursad aad u
qaali ah, oo ahayd in ay la heshiiyaan maxkamadihii ay
jebiyeen iyo cid kasta oo ka soo horjeeday xukumkana ka qayb
geliyaan, ayna ka dhex samayaan dibuheshiisiin dhab ah
shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Laakiin se ma ay yeelin
ee waxay bilaabeen in ay wax walba xoog u adeegsadaan oo ay
qooq iyo islawayni la xad dhaafaan, taasun waa tan keentay
ugu dambayntii in dowladoodii si yar u burburto, hadaba
waxaan anigu qabaa in Shiikh Shariif oo ka mid ahaa ragii
fursadahaa hore lumiyay in ay maantana hortiisa timid fursad
aad u qaali ahi mar labaad haduu ka faa’iidaysto, fursaduna
waa mar ama labo intaad nooshahay, fursadanuna waa mid uu
isaguna wax ku noqonaayo ummada Soomaaliyeedna ay dhibta iyo
kadeedka kaga baxayso inshaa Allaah, sidaan qabo waa in uu
garwaaqsadaa Shiikh Shariif in uu ku yimi cadaalad daro
horta, weli lama arag lamana maqal nin iska leh 2oo laba
boqol oo cod oo doorasha kula gal rag aan iyagu haysan intaa
rubuceed oo welibana huba in uu iyaga dhexdoodana codad ka
helaayo,
Marka
dowlad la dhisona, aanay jirin wixii uu doono sax iyo khalad
cid is hortaagi karaysa, xataa haduu doono in uu wadanka
iibsado, waayo dee intaas oo cod oo aqlibiyad ah buu mar
walba wataa, oo uu wax kasta ku marsiisanayaa, cadaalad
darada intaas le’eg iyo in uu yahay nin ay shisheeye dana
gaar ah lihi in ay ku sandulaynayaan ummadatan waa in uu
garwaaqsadaa Shariifku, qirshada uu qofku qirto ama
garowsado khaladkiisana waa furaha guusha waxa uu ku kici
doono, waa in uu garawsadaa taageera kasta oo ay beesha
caalamku isla garab taagto in aan dowladiisu ku soconayn mar
hadaanay taageero ka haysan ummada Soomaaliyeed oo dhan, oo
waxaa uun horyaala weligiisba hadalka ah: “looma dham”, waa
in aanu arintan fududaysan ee uu si qota dheer u dersaa.
Shiikh
Shariif haduu doonaayo guul in uu gaadho iyo in uu dalka iyo
dadka badbaadiyo, waa in uu ka dhigaa dowladiisa dowlad
dibuheshiisiineed oo dhab ah, waa inuu wacaa shirwayne
Soomaaliyeed oo ka dhaca wadanka guduhiisa gaar ahaan
magaalada Muqdisho, oo ka madaxbanaan fara gelin debeda ah
ayna ka soo qayb galaan dhamaan mucaaradka isaga ka soo
horjeeda iyo bulshada qaybeheeda kala duwan sida culimada,
aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iwm iyaga
oo fursad loo siinaayo in ay marka hore qolo waliba gooni
isu arkaan oo soo diyaarsadaan taladii ay madasha shirka la
iman lahaayeen, shirkaas oo lagu saxaayo wixii ka soo baxay
shirqoolkii Jabuuti, ummaduna aayeheeda kaga tashanayso, oo
lagu dhisaayo dowlad iyo baarlamaan ku haboon dalka
Waxa la yidhi nimaan kuu
furi doonin yaanu kuu rarin, baarlamaanka intaas tiradiisu
le’eg tahay iyo golaha wasiirada ee intaa tirada le’eg
maaha mid uu wadankunu qaadi karaayo, oo dhibta ka saari
karaaya, waayo dee iyagii baaba mashaariic ah, kuwa leh
anagaa kharashkooda bixinaynana waa uun waqti kooban oo ay
dana gaar ah ka leeyihiin, horta waxa ah wax aad looga
xumaado Soomaaliyi wadankaa burbursan bay waxay doonayaan in
ay wada wasiir ka helaan iyo xubin baarlamaan, suura gal ma
tahay in sidaa dalka lagu badbaadin karaayo, Ereteria markay
wadankooda xoraysteen mudo aad u dheer bay tadawuc ku
shaqaynayaa dowladooduna wax yar oo kooban bay ahayd ilaa ay
soo gaadheen heerkaa ay maanta joogaan.
Lebanon
oo aan gaadhin burburka heerka aynu ka gaadhnay, markay
heshiiyeen dowladii ay dhisteen waxay ka koobnayd shan
wasiir oo keli ah, waa wadan aad inooga dhaqaala badan oo ay
ku nool yihiin intaas oo kooxood oo diima kala duwan wata,
oo ay ugu deeqeen wadamada carabtu bilyano lacag ah, halka
inaga ay inaga siiyeen hal milyan oo dollar!!! Sidaas oo ay
tahay hadana waxa ka saaray waqtigii adkaa shan wasiir oo
keli ah iyo baarlamaan yar oo kooban, inagana inoogoo aan
waxbaba haysan tol ina caawiyana aan lahayn baynu hadana
caqli xumadeena doonaynaa inaan muraayada iska wada aragno,
tusaale ahaan hada xukuumada Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi
Rashiid, dhamaan waxaa ka cabanaaya beelihii Soomaaliyeed
inaanay u magcaabin jago waxku ool ah gar bayna u leeyihiin,
Waayo
dee iyaga ayaa arinta isku balaadhiyay, marka waa in ay taas
la kulmaan, miyaanay u xil yaraateen dalkuna ka faa’iideen,
haday samayn lahaayeen sidaa Lebanon shan wasiir oo aan
caadi ahayn ee khubaro dalka marxaladan adag ka saari karta
ah, oo ay ku soo xulaan qaabka 4.5 ee aan la dhaafi karayn
waqtigan hada ah? Xaqiiq weeye in aanay dhacdeen
cabashooyinkan badani, si kastaba ha ahaatee waxan u arkaa
in aan manta Soomaaliya qaadi karayn gole wasaaradeed oo ka
badan 5 wasiir iyo gole baarlamaan oo ka badan 150 xubnood,
hadaan ku soo noqdo Shiikh Shariif, haduu samayo arintaa aan
kor ku soo xusnay, wuxuu ka mudan yahay ummada Soomaaliyeed
mucaarad iyo muxaafidba in ay is garab taagaan intuu ka
suura gelinaayo taas,
Oo
culayska iyo cadaadiska laga dulqaado, oo la ogaado in
debeda laftigeeda cadaadisyo kuwaa ka darani ka haystaan,
natiijada ka soo baxda shirkaa qarana dhamaan loo wada
hogaansamo, Shiikh Shariif haduu taas fuliyo waxaan filayaa
in aynu la soo noqonayno sharaftii iyo karaamadii iyo
qaranimadii inaga luntay, isna uu taariikhda ka gelaayo baal
dahab ah, dowlada la dhisno uu noqon doono kan ugu mudan
hogaaminteeda, hadii aanu sidaas yeelin weligiiba taageero
debeda ha ka haysto wax uun hortaala “looma dhama” waxa uuna
dhowaan ku biirayaa madaxdii ka horaysay oo meeleheer iska
fadhfadhiya, dalkuna qaskaas uun buu ku jirayaa inta Allaah
tacaalaa cid badbaadisa uga soo diraayo.
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud
webmaster@ceegaag.com |