Godoomiyihii
gudiga doorashooyinka Somaliland Max'ed Ismaaciil Max'ed (Kabawayne)
oo is casilay!!
(Hargaysa, February
02, 2009 Ceegaag Online)
Kabawayne
Kabawayne ayaa yidhi mar uu ka hadlayay sababta uu isku
casilayo “Horta muddadii doorashada waxa ka hadhsan 56
maalmood oo qudha, waxana jirta in xubnihii Komishanka aanay
u muuqan qaar u diyaar ah hawsha culus ee ku soo socota
dalka. Aniga iyo laba xubnood mooyaane inta kale oo dhammi
waxay wadaan mu’aamarad ay ku minjo-xaabinayaan masiirka
qaranka iyo sidii aanay dalka wax doorasho ahi uga
qabsoonteen, waxaas oo dhanna waxay u samaynayaan ku xumayn
ay aniga iila jeedaan. Markaa waxaan u qoray warqad
iscasilaad ah oo toddoba casho gudahood haddaanay
wadashaqayn iyo isku xidhnaan buuxda la iman waan
iscasilayaa, mana doonayo inay aniga oo qudha ceebtu i
raacdo.
Waxaanna igu kelifay
iscasilaadda markaan arkay xubnihii Komishanku ay aniga
dartay u duminayaan dantii qaranka, ha ugu horreeyo Jaamac
maxamed Cumar ( Sweden) oo xumaanta oo dhan iyo khilaafka
Komishan u aabbo ah, cid soo shaqo tegaysaa ma jirto iyo cid
xilka iska saaraysa hawsha ay qaranka u hayaan, waxaanan ku
idhi ciddii aniga I neceb waan idin banaynayaa ee badka
iskeena, aniga oo xubin ah ayaanan qaranka u shaqaynayaa oo
hawshii aan hayey sii labanlaabayaa.”
Warar lagu kalsoonyahay
ayaa sheegaya in Jaamac Sweden uu isla rabay booska
Gudoomiyenimada, taas oo uu maanta gaadhay waxaa lasugayaa
bal halka uu isna hawshaa dhigo. Waxaa soo if baxaya in
kharashaadkii aybixinayeen reer Yurub ee doorashooyinkana
aan lakeenin Somaliland waayo kharashaadkii hore loo siiyay
oon xisaab xidhkeedii la diyaarin wali.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |