Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed
Meel kastoo uu joogo waxaan hawada u soo marinayaa salaan
walaalnimo oo ka timid qalbi jecel horumarkooda iyo
wanaagooda.
Intaas kadib,
Sida aad la socotaan
wadankeenii waxaaa loo doortey madaxwayne aan isleeyahay
waa daawadii somalida oo ilaahay maanta u soo direy
sidaasna waxaan u leeyahay intii aan la dooran waxaan ku
arkey wararka somalidu qoraan inay sharaxan yihiin 15
musharax oo mid walba uu doonayo madax-wayne waxaan arkey
inaan doorashadan ka qaybqaadan karo oo uga qayb qaadan
karo aniga oo ilaahay gacmata u taagta kana barya inuu
xilka noogu dhiibo 15 kaas nin ninka uu jecel yaahay.
ilaahayna adoomihiisa waxa uu u
kala jecel yahay sida ay u gutaan waajibaadka uu ku faral
yeeley, waxaan la socdo akhbaartii waxaa la doortey
madaxwayne Shariif Sheekh Axmed waxaa loo balamey in bari
la dhaarin doono, Markii xiligii dhaarta la gaadhey waxaan isku
dayey inaan bal fahmo waxa uu ku dhaaranayo madaxwaynuhu, sidii
dadka inta u fiirsatey ay maqlayeen madaxwaynuhu kuma
dhaaran wax dastuur ah waxa uu ku dhaartey kitaabka
quraanka ah oo uu gacanta saarey Isagoo leh "waxaa igu
wallaahi ah oo igu billaahi ah oo igu tallaahi ah inaan
xilkayga si daacadnimo leh oo danta dalku ay kujirto u
gudan doono anna dhawro sharciga wadanka" intii aan ka
fahmey
Dad Badan ayaa isla markiiba
madaxwaynaha dhaliiley oo yiri wuxuu ku dhaartey Dastuur
qof kastoo dhagaysa khudbadii madaxwaynana ma filayo inuu
ka maqley madaxwaynaha oo dastuur ku dhaaranaya
Hadaba Hadii Madaxwaynu uu ku
dhaartey Shariciga wadanka Sharciga wadanku waa maxay?
Sharciga wadanku waa kitaabka
ilaahay hadii madaxwaynayaashii hore dhaartii ay dhaarteen
aysan kitaabka ilaahay dalka ku xukumin shariif waxaan ka
rajaynayaa inuu siduu ugu dhaartey kitaabka ilaahay inuu u
fulin doono, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuusan ku
fitnaynin madaxwayne nimada uuna ka yeelo madaxwayne
caadil ah oo daacad ka ah xilka uu ummadda muslimka ah u
qaadey.
Waxaan xasuusinayaa ragga
Iclaamiyey inay Madaxwaynaha la dirirayaan inay bal
akhristaan xadiiskan hoos ku qoran ee ku sugan Saxiixul
bukhaariga Kitaabul Maqaasii:-
Waxaa laga wariyey Saxaabiga
Miqdaad Ibnu Camar al
kindiyyi,Xulufadana la ahaa reer banii Zuh-rata,
wuxuuna ka mid ahaaa saxaabadii badar ka qayb galay.
wuxuu yiri:
waxaan ku iri rasuulka ilaahay
calayhi salaatu wassalaam ka
waran hadii aan la kulmo nin ka mid ah gaalada, kadibna
aan dagaalano, oo uu ku dhifto seefta mid ka mid ah
gacmahayga oo uu gooyo, kadibna uu geed isku beego oo uu
yidhaahdo ilaahay ayaan u hogaansamey rasuulkii ilaahayow
ma dilayaaa kadib markuu yiri ilaahay baan u hogaansamey?
wuxuu yiri rasuulku Calayhi salaatu
wassalaam, " Hadilin".
waxaan
ku iri rasulkii ilaahayow wuxuu gooyey mid ka mid ah
gacmahayga, markaasuu yiri ilaahay baan u hogaansamey,
markuu gooyey gacantayda'
rasuulka calayhi salaatu wassalaam ayaa u jawaabey oo wuxu
ku yiri " Hadilin hadii aad
disho waxuu joogaa booskaga inta aadan dilin, adiguna
waxaad joogtaa booskiisii intuusan oran kalmadii uu yidhi"
Macnaha hadii aad disho isagu waa muslim maadaama uu
ilaahay u hogaansamey, adiguna waxaad tahay gaal maadaama
aad dishey markuu islaamey"
Hadaba walaalayaal ilaahay aan
ka cabsano oo dagaalkan aan dhamaanayn aan joojino maanta
hadii dawladani inoo ogoshahay inaan ilaahay wadankeena ku
caabdudno inagoo aan baqanayn Masaajidada aan la inagala
baxayn diinta inaaan barano aan la inoo diidayn
culimadeena aan la xiddhxidhayn dalkeena sharciga ilaahay
laga oogayo maxaynu kula dagaalannaa madaxa-waynaha?
Ethopia ayaan la dagaalami jirney hadii ilaahay inaga
saarey ethopia ma inagii ayaa hadana dhexdiina isku
bilowna?
Dadkaygow daalnaye
Duqaydaas ooynaysee
Dariiqyada lagu daldalay
Miyaan loo diirnaxayn?
Dalag inaan beeranoo
Dadkeena ururinoo.....
Dugsiyada aan furnoo
Daminno colaada shidan
Diinteenu ma diidaysaa?
Dagaalku inuu socdoo
Diktoorada aan dilnoo
Daawana aynaan
helayn
Dawladna
aynaan lahayn
Diinteenu ma doonaysaa?
Dadkeenii daalyayoo
Colaad baa diiratee...
Shariifka la doortayee
Daliilkii quraanka iyo .
Xadiisyada soo darsee
Dakano horo
aan lahayn
Daacad hadey ka
tahay
Dadyahow ma diidaysaan?
Mustafa Akhyaar