Madaxwayne
Faroole oo reer Qardhood ku qancinaya inuu sidii Cade
deegaankooda horimarkiisa ka shaqayn doono
(Qardho, February
02, 2009 Ceegaag Online)
Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan
Maxamed Faroole kuxigeenkiisaiyo wasiirkiisa arimaha gudaha
iyo wafdikale oo farabadan ayaa hada ku sugan Caasimada gobolka Karkaar
ee Qardho.
Madaxwaynaha oo ay weheliyaan
madaxwaynihii hore ee dawlad gobeleedka Cada Muuse ayaa reer
qardhood kala hadlaya waxyaabo badan oo ay ugu horeeso
qaramaynta ciidan beeleedyada Cismaan maxamuud, dhismaha
halbawlayaasha maamulka Karkaar, iyo xoojinta amaanka
magaalada Qardho.
Shirkan oo ay u dhan yihiin
dhamaan waxgaradka deegaanku ayaa la filayaa dhamaadkiisa, in
meel laysla dhigo sidii laga yeeli lahaa maleeshiyo beeleedka
deegaanka taas oo hadii aan la xalin ay adkaan doonto in la
dhiso ciidan qaran iyo mid gobeleedba oo si buuxda u hanta
amaanka guud ahaan gobolada Puntland.
Reer qardhood ayaana u muuqan
shirka gudihiisa kuwo ku qancaya in laga wareejiyo Hubkooda
ilaa hada iyadoo aan la qarameen Hubka reer Beeleedyada reer
Puntland inkastoo ay reer Qardhaad haatan ugu Tugtug
roonyihiin Ciidan ahaan iyo Hub ahaanba.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |