Sheikh Shariif
Shar iyo Khayr.
(Atlanta
February 14, 2009 Ceegaag Online)
Shaki kuma
jiro in Sheekh shariif Sh.axmed oo mar ahaa Shaqsiga umadda
Soomaaliyeed u hayso kalsoonida ugu badan, taasoo ku
beegneyd Waayadiii sh.shariif sheikh Axmed uu ahaa Madaxii
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah , kuwaasi dagaal khadhaadh
oo ay la galeen Huwan dagaal ka macaashayaal ah oo isku
bahaysatey Ururka la Dagaalanka Argagixisadda oo taageero
xoogle ka helayey Dowlada maraykanka iyo gacan yaraheeda
Geeska Africa ee Ethiopia aakhirkii guushu ku raacdey
Maxaakiimta Islaamka ee uu hogaaminayey Sh.shariif sh.Axmed.
Kadib guusha ay maxaakiimta ka soo hoyiyeen Dagaalkaas ayaa
waxaa u suurto gashey iney Si buuxda Gacanta ugu dhigaan
inta badan Koofurta soomaaliya oo ay ugu horeyso magaalada
caasimada ah ee Muqdisho , waxaana guud ahaan si weyn u
taageeray shacabka soomaaliyeed meel uu joogaba min waqooyi
ilaa koofur iilaa heer ay gaadhey maamuladda Puntland iyo
Somaliland ay la ciirciireen kacdoon dadweyne oo lagu haqal
taagayo waagacusub ee ka beryey koofurta soomaaliya taas
keentey iney ku dhawaaqaan Maamulada somaliland iyo Puntland
iney isku xukumayaan Shareecadda ilaahay taas oo aan hore
looga baran maamuladaas.
Maxaakiimta
islaamka ee sh.shariif madaxda u ahaa ayaa waxa ay
maamulayeen K/soomaaliya muddo lix bilood ah mudadaas oo
dad badani ugu yeedhaan ama ku magacaabaan lixbillood ee u
dhigantey 16ka sano taas oo macnaheedu yahay lixdaas bilood
waxay ka fiicneyd 16kii sano ee soomaaliya burburka ku
jirtey.
Maamulka Maxaakiimta ayaa lixdii bilood waxa uu
qabtey waxyaabo badan oo dhaxal gal kuwaas ay ugu
waaweynaayeen kusoo dabaalid Nabad laysku halayn karo
dhamaan inta badan Koofurta Soomaaliya, Furitaankii Garoonka
weyn Magalaada Muqdisho kadib markii uu xidhnaa muddo 17
sano ah , sidoo kale waxay fureen Dekadda magalada muqdisho
taas oo iyaduna sidoo kale u xidhneyd muddo 17 sano , taas
oo u sahashay shacabka soomaaliyeed iney si toos ah markii
horeysey 17 sano uga soo degi karaan Caasimada soomaaliya
muqdisho , sidoo kale ay kala soo degikaraan kana
dhoofsankaraan badeecooyinkooda dekadda muqdisho si toos
ah .
Hadaba horumarkaas dhinacyada kale duwan leh ee dhacay
koofurta soomaaliya waxaa si weyn markiiba uga xumaadey
Dowladaha Cadowga soomaaliya ku ah iyo shakhsiyaad soomaali
iyo ajanabi isugu jira oo iyaguna dano gaar ah leh oo aan
dooneyn iney soomaaliya gaadho barwaaqo iyo badhaadhe dibna
u hanatay qaranimo waarta , kuwaas markiiba bilaabay iney
dacaayado ka fidiyaan Maxaakimta islaamka iyaga oo sheegay
iney maxakiimtu yihiin Urur argagixiso ah , ayna xiriir la
leeyihiin ururo argagixiso oo caalami ah sida taalibaan iyo
Alqaacida , waxaa kale iyana kaalin firfircoon ka
cayaareysey dacaayadaha ka dhanka maxaakiimta islamka
Dowladii taagta darneyd ee uu madaxweyaha ka ahaa C/lahi
yuusuf Axmed ee fadhigeeduna ahaa Magalada Baydhabo ,kuwaas
oo iyaguna u arkayey in maxakiimta islamku khatar ku yihiin
dowlada gacan ku rimiska ah baydhabo fadhidey , kooxan
iskaashadey ayaa waxa ay ka dhaadhiciyeen Dowlada maraykanka
iney maxakiimta yihiin koox argagixiso ah oo hadii aan
laga hortagin ay bariga africa oo dhan ku fidayaan sidaas
awgeed ayeyna dowlada maraykan amar ku siisey Gacan
yaraheeda bariga Africa ee Ehtiopia iney ciidamadeeda
galaan Gudaha soomaaliya isla markaasna dhicib tiraan
awoodda maxaakiimta islaamka ee fideysa iyaga oo marmarsiyo
ka dhiganaya iney caawinayaan dowlada soomaaliya , sidaas
ayeyna ciidamada Ethiopia kusoo galeen gudaha soomaaliya
dabayaaqadii sanadkii 2006 , iyaga oo dagaal culus oo
soconayey muddo wiigag ah kula maxaakiimta islaamka meelo
kamid ah koofurta soomaliya ayaa waxa ay kama dabeyntii
jabiyeen xoogaggii maakiimta, sidaas ayeyna ciidamada
Ethiopia kusoo qabsadeen dhamaan magaalooyinka waa weyn ee
K/soomaaaliya sida Caasimada Muqdisho , Kismayo , Baydhabo
, beledweyne ,marka iyo kuwo kale .
Ciidamada Ethiopia ayaa mudadii labadda sano
ahayd ee ku sugnaayeen Gudaha soomaaliya aya waxa xasuuq aan
loo aabo yeelin ka geysteen meelo badan oo soomaaliya ha ugu
darnaato Muqdisho , waxayna dileen kumanaan Soomaali ah
iyagoo sidoo kale baro kiciyey dad aan ka yareyn rubuc
milyan.
Maxaa
shalay lagu diidey Maamulkii Maxaakiimta ee sh.shariif
Maanta loo taageerayaaa dowladiisa ?
hadaba markii ciidamada Ethiopia qabsadeen Koonfurta
soomaaliya ayaa waxaa wadanka soomaaliya gaar ahaan
koofurta soomaaliya ka bilowmey dagaal muqaawayn , oo la
doonayey in laysaga kiciyo Dowlada Cadowga ah ee Ethiopa
ee kusoo duushey dalka soomaaliya, hadaba waqtigaas oo ahaa
waqti adag ayaa ururkii maxaakiimta islaamku waxa uu kala
qaybsamey labo qaybood oo kala ah 1) rag uu horboodayey
sh.shariif, sh.xassn daahir aways oo iyagu awalba xukun
doon ahaa oo markii wadankii la qabsadey wadanka banaanka
uga baxay , iyagoo dadaalkoodu kusoo koobey iney ku
raaxaysataan Hotelo waaweyn ku yaala caasimadaha Bariga
Africa sida Asmara Nairobi , Jaabuti , iyagoo camal ka
dhigtey in marba shir la qabto idaacadahana laga hadlo ,islamarkaasna
l marka Ethiopia xasuuq geysato la cambaareeyo
2) rag arintu ka ahayd ilaahay hortiis oo ay ugu
horkacayeen sh.aadan cayrow , sh.xasan Turki , sh.roobow iyo
kukale iyagu wadanka ayey baaqi ku noqdeen waxayna
hogaamiyeen dagaalkii Jahaadka ahaa ee wadanka laga
xoreynayey axmaaradda qabsatey ilaa qaar kamid ah ku
nafwaayeen alla ha raxmaddee sida sh.adan cayrow , iyada oo
intii hadhayna ay ilaa maanta jahaadkii wadaan iyaga u
dagaalamaya in dalka soomaaliay noqdo dal xor ah iskuna
xukumo shareecadda ilaahay si madax banaan oo aan faro gelin
shisheeye ku jirin.
Hadaba sh.shariif sh.axmed oo ah ninka caynkaas ah ee kor
kusoo xusney isagu la xiriiranayo inuu saxiibadii
khayaameeyey jahaadkiina kaga baxay, una xuubsiibtey wadaad
iyo siyaasi qunyar socod ah waa sida reer galbeedka iyo
Ethiopia ugu yeeraan ee uu isna raallidda ku noqdaye ,
hadii aan waxyar jilciyo ereyga qunyar socod ee sh.shariif
dhawaanaha loogu wanqalay macnihii waxaa weeye waxaad ka
gaabisey oo qunyar socod ka noqotey diintii eebe waxaadna ku
dheereysa siyaasada casriga ee reer galbeedka ee aan diinta
islamka waafaqsaneyn ,kadib tartankii loo galay booskii
madaxweynimo ee uu baneeyey c/lahi yusuf ee ka dhacdey
bishii january sanadkan 2009 ayuu sh.shariif ku guuleystey
madaxweynimada soomaaliya , iyadoo beesha caalamku iyo
dowlada deriskuba cadeeyeen iney taageersanyihiin dowlada
madaxweyne sh.shariif lana garab taaganyihiin taageero hiil
iyo hooba leh . Hadaba Su'aasha meesha ka jirta oo baahan in
jawaab waafi ah loo helo waxaa weeyaan maxaa beesha
caalamku iyo dowladaha derisku shalay ku diidey Maamulkii
maxaakiimta ee sh.sharif maanta ku taageerayaan dowlad aan
dalka dibadiisa lagu soo dhoob dhoobay ? ma sh.shariif ayaa
ka tanaasuley siyaasadiisii hore ee waagii maxaakiimta ee
ahayd in dalka soomaaliya lagu xukumo shareecadda islaamka
mise beesha caalamka iyo Maraykan ayaa raali ka noqdey in
soomaaliya lagu xukumo shareecada islaamka ?.
markaba laysku soo wada duuduubo ayaa waxa jirta caqabado
fara badan oo horyaala dowlada beesha caalamku
taageersantahay ee sh.shariif madaxweynaha ka yahay, waxaana
kow ka ah caqabadaha horyaala meesha ay ku shaqeyn doonto
iyada oo aan ognahay iney koofurta soomaaliya badankeedu
gacanta ugu jirto urur diimeedka al shabaab oo iyaguna sicad
uga horyimid dowlada shariifka. iyaga oo sheegey in Dowladii
C/lahi yuusuf iyo Dowlada shariifka farqiga u dhexeeya uu
yahay kaliya C/lahi yusuf oo meesha ka baxay booskiina
sh.sharif ku fadhiistey , wadankii aysan weli si buuxda uga
wada bixin ciidamadii Ethiopia iyagoo sidoo kale sheegey
iney muqdisho joogaan Ciimada Uganda iyo Burundi oo iyaga
qudheeda aysan raali ka ahayn ururka al shabaab sidaa
awgeedna ay ula dagaalami doonan dowlada shariifka sidii ay
tii C/lahi yusuf ula dagaalameen. sikastaba ahaatee shacabka
soomaaliyeed ayaa waxay si weyn uga dhursugayaan meesha ka
dambeyn doonto dowlada sh.shariif maxa waxay mari doontoo
wadadii kuwii ka horeeyey mareen mise waa ka duwaanaan
doontaa su'aasha Taariikhda ayaa ka jawaabi doonta.
Qalinkii: C/laahi Axmed Barkhadle (C/laahi Bookh)
Atlanta, Georgia ,U.S.A
barkhadle7@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |