Si
lama filaan ah waxaan laba toddobaad ka hor ugu soo
baxay buug aan ka dhex helay mareegta ku caanbaxday
iibinta buugta ee amazon.com, anigoo run ahaantii ku
habaabay mareegaha tirada badan ee had iyo goor
gorfeeya guud ahaan suugaanta iyo qoraalada.
Haddaba isheydu
waxay qabatay buug loogu magac daray magac yaab leh,
kuna qoran af-soomaali. Run ahaantii waxaa is oo
jiitay magaca buugga oo ah magac af Ingiriis ah,
hadana loo qoray af Soomaali ahaan. Tani waxay danta
igu qasabtay in aan buugga magaciisa la dhaho: Singal
Maadar (Single Mother) ee uu qoray nin lagu magacaabo
Samatar Sooyaan aan islamarkiiba dhaqso u dalbado, si
aan u akhristo, uga dhergo.
Run ahaantii waxaa farxad weyn igu dhaliyey markaan
arkay buug far Soomaali ku qoran oo aan ka helayo
websiyada adduunka ugu caansan, uguna weyn,
islamarkaan aan dalban karo, oo weliba aqalkayga la
iigu keenay. Hambalyo qoraaga Samatar, waa tallaabo
weyn oo aan rajaynayo in qorayaasha kale ee
Soomaaliyeed ay kaaga daydaan. Ma filayo, kolee inta
aan la socdo aniga, weli buug far Soomaali keliya ku
qoran oo lagu iibiyo dukaamada buugta lagu gado ee
caalamiga ah. Waa markii ugu horeysay baan oran karnaa,
taana waxaa mahadeeda leh qoraalkii far Soomaaliga iyo
qoraagii buugga.
Haddaan u soo laabto buugga Singal Maadar, oo uu qoray
Samatar Sooyaan dhab ahaantii waa buug qoraal ahaan
khiyaali ah, kana hadlaya dhacdooyinka runta ah ee
quseeya qoysaska Soomaalida, weliba kuwa ku nool
Ameerika. Singal Maadar waxaan bilaabay in aan
akhriyo maalin Sabti ah oo ku beegneyd toddobada bisha
Feberweri 2009 anigoo qorsheystay inaan ku dhameeyo
ilaa bisha Feberweri shan iyo tobankeeda. Waxaan
islahaa, si tartiib-tariib ah isaga akhriso oo iskala
kuud-kuudso, maadaama aan jeclahay sheekooyinka
Soomaalida, weliba kuwa ku saleysan sheekooyin qiyaali
ah, kana hadlaya xiriirka ragga iyo dumarka. Hase
ahaatee, waxaanba arkay anigoo weli buuggii ku dhegan,
oo aan doneyn in aan meel iska dhigo, waxayna igu
qaadatay hal cisho oo qura in aan ku dhameeyo buug
dhan 138 bayj. Hadba cutub ayaa cutub ii dhiiba, ilaa
aan markii danbe soo taabtay bogga 138daad ee ah halka
ay sheekada ku dhammaato.
Singal
Maadar waa sheekho ku saabsan hooyo Soomaaliyeed iyo
carruurteeda oo aabbe la’aan ah iyo dhibka ay la
tacaalayaan, gaar ahaan hooyada dhibta iyo rafaadka ay
halgameyso. Waa hooyo ku jirta dagaal qaraar. Dagaal
qaraa oo ay marna iskaga celineyso ninkii ay u dhashay
carruurta, marna ay iskaga ilaalineyso dowlada si aan
ilmaheeda looga qaadan. Taas waxaa ka sii daran waa
dagaal aan lala ogeyn, looguna garaabey, waayo waa
hooyo Singal Maadar ah. Qoraaga buuggu mudane Samatar
Sooyaan wuxuu kala haadinayaa, si fududna u kala
dhig-dhigayaa ma aha oo keliya dhibta ay Aragsan kala
kulmeyso qurbaha ee waxaaba ka sii daran habka
miisaaman ee uu qoraagu isugu miisaamayo dareenka
Aragsan, carruurteeda iyo gurigeeda.
Qoraagu wuxuu kaga duwan yahay qorayaasha kale ee
Soomaaliyeed, waa qoraaga keliya ee buuxda oo
tifatiran u cabbiraya dareenka qof haween ah oo weliba
carruur leh, islamarkaana ku nool qurabaha. Waxa kale
oo uu qoraaga soo bandhigayaa rafaadka haysta
hooyooyinka Soomaalida ee ku nool dalalka ree
galbeedka, wuxuuna diirada la beegsanayaa hooyooyinka
keligood ah ee haddana ku hadli karin afka wadanka ay
ku nool yihiin iyo bulshada ay la nool yihiin. Waa
nolol dhab ah oo haysata haweenka Soomaalida ee ku
kala nool Yurub iyo Ameerika. Dagaalada sokeeye ee
Soomaaliya ka dhacay, welina ka socda qof kasta oo
Soomaali ah waa ay saameysay ama si dadban bay u
saameysay ama si toos. Dadka qaarki jir ahaan ayey
dagaaladu u saameysay sida qof naafo ku noqda. Dad
kalana maskax ahaan ayey dagaalada u saameeyeen sida
qofka oo isku buuga. Laakiin waxaa jira dad aan is-ogeyn,
hase yeeshee, dagaalka sokeeye uu dhibaato weyn u
gaystay, una muuqda in ay caafimaad qabaan, buugga
Singal Maadar waad kala soo dhex bixi kartaa kooxdan
sida aa tooska ahayn dagaalku u waxyeeleeyey.
Dhacdada buuggu waxay ku saabsan tahay horaantii
qarnigan 21naad, waxayna qisada ka dhaceysaa magaalada
Minaayaabulis ee dalka Maraykanka, gaar ahaan
xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay. Abshir iyo
Aragsan muddo kolkay guur iyo nolol raaxo leh isla
qaybsadeen, isuna dhaleen dhowr carruur ah bay
noloshoodu u sibqaneysa dhinaca qalloocan. Aragan iyo
Abshir arrintoodu waxay ku soo urureysaa dacwad iyo in
kayskooda ama arrintooda loo gudbiyo maxkamada sare ee
Minasoota, waxayna isla marayaa wado adag oo dheer oo
bahalo galeen ah, ugu danbeytana lama garan karo cida
ku guuleysata.
Buugga Singal Maadar waa buug runtii mar maad iyo
qosol leh, mar kalana naxdin, welwel iyo xanaaq qofka
akhristaha ku abuuraya. Waxa kale oo buugga ka muuqda
aftahanimada iyo qananimada af Soomaaliga. Qoraagu
wuxuu isticmaalayaa af Soomaaligii hore, isagoo u
isticmaalaya inuu ku dhiso sheekada buugga,
islamarkaana waxaan marna meesha ka marneyn af
Soomaaliga casriga ah. Waxaan qabaa ereyo badan oo
casri ah, afkana looga hadlo, hadduusan qoraagu
buuggiisa u isticmaali laheyn in la waayi lahaa,
maantase, sida aan qabo, ay ku jiraan keyd mustaqbalka
danbe jiilka soo socda ay ka faa’iideysan doonaan.
Samatar waxa kale
ee uu buugga si cad ugu muujinayaa dhibaatada ugu weyn
ee dadka Soomaalida maanta hor taala, sida looga bixi
doonana aan weli wadiiqo loo maro la garaneyn. Waa
dhibaatada ugu weyn ee maanta bur-burisa qoysaska
Soomaalida gudaha iyo kuwa qurbaha ku nool. Waa
dhibaatada uu jaadku ku hayo ummada Soomaalida. Waxa
kale oo buugga laga baran karaa, weliba dadka
shisheeyaha ah ee xiiseynaya in ay bartaan dhaqanka
iyo hiddaha Soomaalida, hab dhaqanka iyo fikirka ninka
Soomaaliga ah. Meesha iyadana kama marna, oo buugga
Singal Maadar waa lagu soo bandhigay kaalinta aan
wanaagsaneyn oo ay wadaada xag jirka ah ay bulshada
kaga jiraan.
Buugga Singal Maadar waa buug iyo qoraal soo
bandhigaya dibin-daabyeenta ay ragga qaarkood ku
hayaan haweenka u dhaxa iyo cawaaqab xumada ka dhalata
marka qoysku burburo, weliba qoys ku burburay qurbaha
oo aan haysan arxan iyo qaraabo kala dhex gasha aan ka
aheyn maxkamada Minasoota. Sidoo kale qoraagu marna
kama bakheylin inuu hoosta ka xariiqo khuraafaadka loo
dhigo dumarka Soomaalida qaarkood sida kaalinta uu
Mingiska ama Booranaha ka qaadan karo dhismaha ama
burburka qoys Soomaaliyeed iyo weliba dhibaatada ka
timaada gabdhaha oo la gudo.
Guntii iyo gebgebadii, sheekada Singal Maadar waa
sheekada ugu wanaagsan ee khiyaali ah oo uu qof
Soomaali ah qornigan ilaa iyo iminka inta aan akhriyey.
Waa buuggii ugu horeeyey ee Sooyaalka Soomaaliyeed ee
sheeko la qoro ku saleeyey cilmiga saykolojiga
(psychology), islamarkaan cutub dhan kaga hadlaya
aqoonta saykolojiga.
Buugga Singal Maadar waxaan ku taliyey, kuna talinayaa
in uu ka mid noqdo buugta lagu dhigto dugsiyada sare
ee Soomaaliya iyo dalka Maraykanka, weliba waxaan
codsaday in lagu dari karo jaamacadaha ama koleejyada.
Shaki wuxuusan iiga jrin in mustaqbalka makraan
yeelano dal iyo dad shaqeeya eel eh maskax iyo garaad
ku filan, oo qofka wax qorana lagu qiimeyneyn qabiilka
uu ka dhashay in jiilka soo socda la bari doono,
weliba kuwa ku sugan dalkii hooyo oo fahmi doono
nolosha dhabta ah ee qurbaha Samatar Sooyaan, fadlan
halkaas ka wad qoraalada waxtarka u yeelan bulshada,
waxaana ku talin lahaa Singal Maadar waa buug u baahan
in qof walba akhriyo ee looga maarmin.
Sucaad Muxiyadiin
Sucaad17@yahoo.com