Magaalada
Liecester oo loogu qabtey koobka kubadda cagta
dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosaysa 16 sano
iyo Qorituurrka koobka Super Cup-ka 2009.
(Leicester,
Ingiriiska, February 28, 2009 Ceegaag Online)
Daawo Sawirada
Ururka Liecester United oo ka dhisan magaalada Liecester oo
ku taal bartamaha dalka Ingiriiska ayaa waxaa degan Soomaali
aad u badan, ayaa waxaa lagu qabtey koob kubadda cagta oo
loo dhigay dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosaysa
16 sano iyo Qorituurka koob loogu magacdarey koobka Super
Cup oo ay ku baritami doonaan kooxaha jaaliyada Soomaaliyeed
ee ka dhisan dalalka Yurub, kuwaasoo noqday horyaalada
koobabka loo qabto Qurba joogta isla markaana ka dhaca
magaalooyinka London, Stockholm iyo Toronto.
Koobka dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 16 sano jirada
ayaa waxaa ka soo qayb galay sanadkaan 4 naadi, kuwaas oo
kala aha Liecester United oo ka socotey magaalada Liecester,
WPSC oo ka socotey magaalada Manchester, Kooxda Bermingham
stars oo ka socotey magaalada Bermingham iyo kooxda Cardiff
Warrior Bay oo ka socotey magaalada Cardiff.
Tartanka oo aad u xiisa badnaa isla markaana kooxaha ay is
wada arkayeen ayaa noqday mid ay kooxaha iyo dhalinyarada ka
qayb qaadanaysay tartanka mid aad looga helay isla markaana
xiisa badnaa, waxaana tartanka lagu qabanayay garoonka weyn
Moat Community College oo ku yaal bartamaha magaalada
Liecester.
Waxaa ka soo qayb galay tartanka marti sharaf Sports iyo dad
wayne aad u fara badnaa , kuwaas dhirigalinayay da’yarta
Soomaaliyeed ee tartanka ka qayb qaadanaysay, kuwaasoo ay ka
muuqatey farxad.
Furitaankii tartanka waxaa ka hadlay odayaal Sport iyo qaar
tirsanaa ciyaartooydii dalkeena barisamaadkii oo dhamaantood
lagu casumay inay ka soo qayb galaan tartanka si ay u
dhirigaliyaan jiilka soo socda ee ka qayb galaya tartanka,
masuliyiintii ka hadashay goobta waxay kala ahaayeen
Mudanayaasha: C/qaadir Xuseen Bootaan ‘’ Isoomareey’’,
Mohamed Faarax ‘’ Dabdamis’’ , Ahmed Nur Mohamed Xaashi ‘’Sayga’’,
C/qaadir Caddaay, C/qaadir Biine iyo odayaasha magaalada
Liecester, kadibna waxaa si rasmi ah u bilaabatey ciyaartii
saacadu markii ay ahayd 12:00 duhurnimo, isla markaana waxaa
garoonka martida iyo dhalinyarada kooxaha ka qayb
qaadanaysay tartanka soo dhaweyn u muujiyay maamulka kooxda
Liecester United, gaar ahaan madaxdooda sida Cumar Dheere,
Cilmi Daqare, Shiine iyo Daa’uud.
Koobkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu qabtey magaalada
Liecester waxay kooxaha kala galeen sidatan:
Waxaa kaalinta kowaad galay isla markaana noqday horyaalka
dhalinyarada 16 sano kooxda Cardiff, kaalinta 2aad waxaa
galau kooxda Manchester, kaalinta 3aad waxaa galay kooxda
Bermingham, kaalinta 4aad waxaa galay kooxdii martida loo
ahaa ee Liecester United.
Xaflad iyo casho sharaf loo sameeyay dhamaan kooxihii ka soo
qayb galay tartankaan ayaa waxay ka dhacday habeenimadii
Axada taariikhduna ahayd 22.02.2009, waxaana koobabkii iyo
biladihiiba lagu gudoonsiiyay kooxihii ka soo qayb galay,
waxana horyaalka noqday kooxda Cardiff isla markaana
ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankana waxaa noqday
ciyaarta u sitey lambarka 11 kooxda Cardiff, waxaa xusid
mudan in dhamaan ciyaartooydii ka qayb qaadanaysay tartanka
dhamaantood inuu la gudoonsiiyay bilad sharaf muujinaysa
inay ka soo qayb galeen tartanka.
Waxaa iyana halkaas bilado lagu gudoonsiyay TV Universal C/naasir
Solo iyo Suni Sicid Saalax oo ah tafatiraha website SomSport
.
QORITUURKA LIECESTER SUPER CUP 2009
Waxaa lagu qabtey hotel weyn oo ku yaal magaalada Liecester
qorituurkii Liecester Super Cup 2009, koobaas oo ay soo
qaban qaabiyeen ururka Liecester United isla markaana lagu
casumay marti sharaf Sport , kooxaha ka qayb qaadanaya
tartankan iyo Councilaarka magaalada Liecester iyo ururada
ka dhisan magaalada Liecester iyo odayaasha magaalada
Liecester.
Ugu horeyntii waxaa meesha ka hadlay oo barnaamijka
xiriirinaayay gudoomiye ku xigeenka ururka Liecester United
mudane Cilmi Daqare oo ka war bixiyay sida barnaamijka caawa
u dhici doono, waxaana meesha warbixino ka jeediyay
taariikhda ururka gudoomiyaha ururka Liecester United mudane
Omar Xasan ‘’ Omar Dheere’’ oo ka warbixiyay koobka
Liecester United iyo taariikhdooda iyo ujeedada tartanka
caawa halkaan loo fadhiyo ugu qabanayaan magaalada Liecester,
kadibna waxaa halkaasi ka hadlay mudane Zakariye Abdi Oogle
oo isna warbixin English ku baxaysay ka jeediyay.
Mudane Osman oo ah Councilaarka magaalada Liecester ayaa
isna ka hadlay isla markaana sheegay sida uu ugu faraxsan
yihiin maamulka magaalada Liecester inay gacan ka gaystaan
barnaamijyada lagu hormarinaayo jaaliyada degan magaalada,
isagoo yiri tartankaan ama kulankaan oo kale wax tar badan
ayuu u leeyahay bulshada gaar ahaan jaaliyada laga tiro
badan yahay ayna muhiim tahay inay wax wada qabsadaan si ay
dalkaan wax uga qabsadaan isla markaana dhalinyarada u noqon
karta dhiiragalin barnaamijyadaan..
Mudane Ahmed Bile ayaa isna ka warbixiyay sida howshatan
noqon doonto isla markaana ka mahadceliyay howsha Liecester
United soo qaban qaabisay uuna rajaynato inay u dhacdo sidii
la rabay.
Waxaana iyagana meesha ka hadlay mudanayaal kale oo ka
socday ururada ka dhisan magaalada Liecester oo isugu jirey
Soomaali iyo ajanabi isla markaana waxay sheegeen inay gacan
ka gaysan doonaan ka mira dhalinta barnaamijkaan,
Waxaa iyana meesha ka hadlay odayaal Sport sida Mohamed
Daa’uud oo ka socday magaalada Liecester, C/qaadir
Isoomareey, Mohamed Faarax iyo Ahmed Nur Sayga ruushka oo
dhamaantood ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo
dhaweeyay magaalada Liecester iyo qaabka wax loo qabanayo ay
ka sheegen inay soo dhaweynayaan isla markaana ay gacan weyn
ka gaysan doonaan sida waayo aragnimadooda Sports ugu gudbin
lahaayeen jiilka cusub isla markaana ay ku dhiiragalin
doonaan hadii Eebe idmo,.
Waxaa iyana meesha ka hadlay mudane C/qaadir Cadday iyo
Mohamed Saalim , waxay ka warbixiyeen qaabka isku aadka u
noqon doono iyo sida doorashada qorituurka noqon doono,
kadibna waxaa loo yeeray mudanayaasha kala ah, Mohamed
Faarax, C/qaadir Isoomarey, C/qaadir Biriq iyo Ambasador
Abdi Shire si ay isku aadka kooxaha waraaqaha u doortaan
kadibna loo ogaado koox walbo qaybta ay ka tartami doonaan.
Lixda koox ee ka qayb qaadanaysa koobka Liecester Super Cup
2009 waxay kala yihiin sidatan :
London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors Bay, Nabadda FC,
Halgan FC & Liecester United
Qaybta kowaad A : London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors
Bay
Qaybta Labaad B: Halgan FC, Liecester FC & Nabadda FC.
Waxaana shahaado sharaf loogu yeeray Qoraaga Sports Sanadka
2009 la gudoonsiiyay Yusuf Mohamed Abdi Yusuf. Iyadoo
abaalmarino kale lagu gudoonsiiyay Garsoorayaashii ugu
wanaagsanaa tartanka qabanayay sida Dahir Gacamay iyo
Mohamed Weerow, sidoo kale waxaa bahda Saxaafada lagu gudoon
siiyay bilado sharaf sida C/Naasir Solo iyo Suni Siciid
Saalax oo ka mid ah bahda Saxaafada Sports Soomaaliyeed eek
u nool dalka Kenya.
Barnaamijka Qorituurka oo aad u wanaagsanaa waxaa ka soo
qayb galay marti sharaf fara badan iyo madaxda Naadiyada ku
tartami doono koobka Super Cup 2009 oo lagu qaban doono
magaalada Liecester bilaha nagu soo aadan.
Waxaa barnaamijka ka soo qayb galay Bahda Sports
Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska kuwaas oo ka kala yimid
magaalooyin kala duwan, waxayna kala ahaayeen C/qadir Biriq,
Biine, Mohamed Khalif , C/risaq Seef, C/qaadir uus, Bile
Ali, Hassan Dhuudhi, Lagii Dheere, Boob, C/risaaq, Mohamed
Weerow, Dahir Gacamay, Hashim Du’aale, Daa’uud, Shiine,
Zakariye, Faysal Siciid iyo aqyaar kale oo fara badan oo aan
halkaan ku soo koobi Karin magacyadooda.
Dhanka kale Tartanka loogu qabtey dhalinyarada da’da yar iyo
Koobkan Super Cup 2009 la qaban doono ayaa noqon kara
barnaamij biloow wanaagsan u noqda in dadka degan magaalada
Liecester ay soo jiitaan inay ka soo qayb galaan isla
markaana noqon kara mid bahda Sports Soomaaliyeed ee dagan
gobalada dalka Ingiriiska inay kaga daydaan ururka Liecester
United oo la soo baxay firfircooni aan hore looga baran.
Waxaana goobta ay ka dhacayeen barnaamijyadan goob joog ka
ahaa saxaafada Soomalida Sports iyo mida magaalada gaar
ahaan TV Universal, TogdheerSports, Somali Eye iyo SSPAMEDIA.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |