Aqoonyahanada
Soomaaliyeed reer Boston oo oo bilabay inay ka baaraandagaan
sidii ay u wajihilahaayeen Xaalada adag ee la soo daristay
Shacabkooda.
(Boston, January,
04 2009 Ceegaag Online)
Shir ay isgu yimaadeen raga lagu
tilmaamo inay gaadheen isku filanaashaha xaga nolasha ee
dalkan Mareekanka, ee jaaliyada Soomaaliyeed ayaa ka dhacay
Masjid Jaamaca cusub ee magaalada Boston.
Aqoonyahanadan oo ku kala takhasusay
cilmiga waaxyihiisa kala duwan oo ay weheliyaa macalimiinta
Iskuulaadka ayaa isla jeex jeexay sidii looga samato
bixinlahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan
Massachusets siiba reer Boston dhibaatooyinka ay ka dhaxleen
kala daadsanaanta baahday ee haatan kaliftay inay wax wayn u
dhinto Sumcada shacabka Soomaaliyeed.
Aqoonyahanadan ayaa ku nuux nuux saday
in loo baahan yahay in la sameeyo dalad mideenkarta
jaaliyadaha kala duwan ee reer Boston. Waxaana shirkan lagu
qaadaa dhigay fahanka baahiyaha jira, sidii loo wajihi lahaa,
iyo meeshii wax laga bilaabilahaa.
Shirkan ayaa waxaa kale oo lagu
gorfeeyay in aan marnaba laga maarmin Dumarka Soomaaliyeed
la’aantoona aan la dhaqaajin karin hawlaha culculus ee la
doonayo in lagu fahansiiyo shacabka Soomaaliyeed ee reer
Boston hadaf ka dhexyaalka u ah, ee lama dhaafaanka u ah
dhamaantood.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |