Xagay
marasaa isdiiwaan galintii Doorashooyinka
Somaliland ee reer SSC
(Ceegaag, January,
05 2009 Ceegaag Online)
Xaalada SSC ayaa ah haatan meel lagu kala danaystay, waxaa
soo if baxaya wax yaabo badan oo qarsoonaa Gobalka sool ayaa
intiisa badan isdiiwaangalintu ka socotaa iyada oo ay jiraan
meelo badan oo laga diiday aadna muhim ugu ah taabogalida
qorshaha Diiwaan galinta ee Gobolka Sool.
Dhinaca magaalada Ceegaag ayaa iyadu Go'aan mideesan ku
gaadhay inay si toos ah u la sheqeeyaan maamulka Somaliland.
Magaalada Yayle ayaa maanti si toos ah ay uga bilaabantay
Isdiiwaan galintu, Halka ay magaalooyinka Widhwidh iyo
Qorfo-buro ay si toos ah uga Socoto, Horufadhi ayaysan ka
dhicin wax Diiwaan galin ahi Gabi ahaan.
Magaalada Buuhoodle ayaa iyadu degan maanta ka dib
fadeexadii shalayto ka dhacday iyada oo ay ku sugan yihiin
dhamaan masuuliyiinta dhinac walba ee bulshadu ay sababtay
Gabdhaha Soomaaliyeed oo aan iyagu Qabiilka ka madax banaan
in la faro saaro.
Dhinaca Maamulka Puntland ayaa iyagu ka aamusan kuna
mashquulsan doorashadooda aan wali ka waynaan Qabyaalada.
iyaga oo isla dhexmaraya marka doorashadu dhamaato inay dib
ula wareegi doonaan gacan ku haynta Gobolada SSC.
Ugu danbayntii lama saadaalin karo faa'iidada ama faaiido
darada laga helidoono Isdiiwaan galintan iyada oo Goboladan
aysan u dhamayn, taasoo siyaasad ahaan wiiqasa siyaasiyiinta
Goboladan ee haatan u Xusulada duuban Maamulka Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |