Dabinka
ciidamada Itoobiya ee ka bixitaankooda caasimada Muqdisho.
(Muqdisho, January,
13 2009 Ceegaag Online)
Ciidamada
Itaabiya ayaa ka guuray qaybo ka mid ah goobihii ay ka
daganaayeen magaalada Muqdisho goobahan oo kala ah Warshadii
hore ee Baastada, daarta Xeyle Bariise iyo Caymiska. ayaa u
muuqda kuwo ay la wareegeen amaankooda Kooxaha Dibuxoraynta
ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Eretariya.
Gaabahan ay
ka guureen ayaa waayadan danbe waxaa deegaamaystay beesha
Habargidir iyada oo loo gaystay burbur aad u balaadhan ka
dib markii ay kacdoon kala hor yimaadeen ciidamadii Huwanta
ahaa ee uu hor kacayay Madaxwaynihii is casilay C/laahi
Yuusuf Axmed.
Bixitaanka
Ciidamada Itoobiya waxa uu ka danbeeyay Heshiiskii Jabuuti
ee dhex maray Huwanta iya Garabka Dibu xoraynta ee uu
Hogaamiyo Sheekh Shariif. Balse waxaa goobahan la wareegay *indhocade*
Ciidamada
Sheekh Shariif ayaana imanba dhinacan si ay amaanka ula
wareegaan, waxaa kale oo iyaguna aan iman kooxaha Al-shabaab,
Ciidamada Itoobiyana waxay u ruqaansadeen dhinaca waqooyi ee
ay degan yihiin beesha Mudulood.
Dabinkan ay
sii maleegayaan ciidamda Itoobiya oo haatan ka amarqaadanaya
Raysal wasaare Nuur Cade ayaa u eeg mid la doonayo in
dib loo bilaabo loolan xaga gacan ku haynta magaalada ah oo
laga dhex abuurayo kooxaha dibuxoreenta ee haatan siyaasada
isku haya.
Si kooxaha
gargaarka ee uu ka tirsanaa raysal wasaare Nuur Cade ay
hawlahoodii ay sheegan jireen inay ka wadaan Soomaaliya dib
uga bilaabaan Nayroobi, Kooxahan gargaarka oo la rumaysan
yahay inay kashiftay Dawladii C/laahi Yuusuf sida ay uga
been sheegaan xaalada Soomaaliya dhaqaalaha ay ku helaana
jeebkooda ugu shuban jireen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |