Jabuuti oo
markale marti galinasa doorashada madaxwayne cusub oo ay
Soomaaliya yeelato.
(DJabuuti, January
22, 2009 Ceegaag Online)
Magaalada
xeebta ah ee Jabuuti ayaa la ciirciirasa xildhibaanada
dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ka dib markii ay
suuro gali wayday in Baarlamaanka Soomaaliya ku kulmaan
Baydhabo si ay u doortaan madaxwayne Cusub.
Waxaa sidoo kale la hadal hayaa maanta galinka dambe in ey
halkaasi gaaraan sii hayaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna
gudoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha
ra`iisal wasaaraha Nuur Cadde oo labaduba ka qeyb-galay shir
wadamada carabta uga furmay dhawaan dalka Kuwait.
Gudoomiye xigeenka barlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo ayaa
sheegay in amar uga yimid gudoomiyaha barlamaanka ey ku
baxayaan inta badan xildhibaanada barlamaanka ee ku sugan
magaalada Baydhabo.
Arintan ayaa waxa ey meesha ka saareysaa is-afgaranwaagii ku
aadanaa halka uu ka dhici doono doorashada m/weyne ama
dowlad midnimo qaran, waxaana xildhibaanadii ku sugnaa
Baydhabo cadaadis kaga yimid xaga beesha caalamka ey ku
tageen Jabuuti.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |