Jacaylku Ma wax
jiraa mise waa dhalanteed? hadii uu jiro waa Goorma?
(Hargaysa, January,
09 2009 Ceegaag Online)
Ugu horyn waxa mahad oo dhan iska leh alihii
ina buuray, waliba naga dhigay muslimin
Intaa ka dib, Mujtamaca soomaalidu,
dhexdooda waa wax iska caadi ajh in wiilka iyo gabadhu isku
yidhaahdaan waan ku jecelahay, ama waan kuu dhimanayaa, ama
biyaha hoostooda ayaan kaa dhex arkay, ama dartaa ayaan wax
u cuni la`ahay, ama marka aan miraayada isku eego halkii aan
is arki lahaa adigaan ku arkaa, waan kugu riyoodaa habenkii,
Iyo Ereyo La mid ah.
Iyadoo laga yaabo Erayadaasi, in ay been u
badan yihiin, ama wiilku iyo gabadhu midba midka kale oo is
leeyahay Soo jiido Qalbigiisa.
Hadaba Goorma ayuu
iman karaa jacayl dhab ah? Taasi waxaan filayaa in ay
cadahay, waa xiliga labada lamaane ay isu xalaloowan, ama ay
is guursadaan, Wixii intaa ka horeeya, way fududahay in aanu
dhicin isu tanaasul, iyo jacayl dhab ah, Laakiin gabadhu ama
wiilku way u fududahay, in la isku ydihaaho marka
Telephone-ka laga wada hadlayo waan ku jecelahay,
Waxaa kaloo dhacda in xitaa labadani qof ee
sheeko wadaaga ahi, in mid ka mid ah uu been u sheegayo,
Qofka kale, ama uu ku meeel gaadhayo, arintaasina waxa ay u
badan tahay, xaga Dumarka, Sida Somalidaba ay ku maahmaado,
(kun la sheekeyso kowna ka guurso) runtii waa arin xun oo u
baahan in laga diktoonaado, waayo waxaa Dhici karta in la
is cowriyo waayo ishu waa xaq Sida diinteenu ay inoo
sheegtay.
Dhinaca raga waxaa ku badan in uu been u
sheego, walaashiisa muslimada ah, isagoo marka hore eegaya
gabadhu wax ay jeceshahay, hadii ay dhaqaalo jeceshay waxa
uu odhanayaa, hanti badan ayaan leeyahay, gaadhi hebel aniga
ayuu ii shaqeeyaa, hadii ay jeceshahay, Aqoon, waxa uu
odhanyaa waxaan kasoo qalin jibiyay, jaaamacad hebel,
Shahaadadeeyduna waa, Master, ama PS, waxaase laga yaabaa
handtidaa uu sheeganyo inaanay waxba ka jirin, xitaa dharkaa
Qurxoon ee uu xidhanyahay markaasi, laga yaabo in uu kasoo
amaameystay, saaxiibkii!!!.
Waxaa kasii daran arintaa, oo Runtii u
baahan Xusid, in ay hargeysa ka dhacday, mid ka mid ah
Dhalinyarada, ayaa waxa uu la sheekeysanyay, gabadh mudo
9-bilood,
waxa uuna ku qanciyay, in uu AMERICA ka yimi,
hargeysana u joogo howlo shaqo, waligiina hargeysa ma
dhaafin, hase ahaatee waxa uu u Lebisan jiray, Sida
dhalinyarada yurub joogta,
Marka uu dooonayo in
uu la kulmo gabadhu, ama uu gurigooda tagayo, waxa uu booqan
jiray habeenkii, isago dadka kale iska qarinaya, ama ka
baqaya, in cid taqaana Eeriyadaa ku dhowdahay, arintii
markii ay in mudo ahi sidaa ku socotay, oo Khiyaaligii soo
gabagaboobay, ayaa gabadhii reerkooda u sheegta, oo ay ku
tidhi, wiilkan ayaanu is fahanay, waxa uuna ka yimi America
hantina wuu haaystaa, waanu isoo doonayaa dhowaan, ee hooyo
ka waran? (Hooyadii inta ay faraxday, ayay howshu soo
dhoweeysay, waxa aanay ugu jawaabtay, hooyo waa si fiican,
waanan kuugu hambalyeeynayaa, waayo way ka muuqataa, in uu
hanti haysto, waana wiil quruxbadan).
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa hooyadii
dhashay gabadha, walaasheed ayaa waxa ay timi Guriga, waxa
uuna kusoo beegmay imaanshiyaheedu xili wiilkii oo jooga
guriga oo la sheekeysanaya gabadhii, islaantii ayaa u
faantay walasheed, oo tidhi inanteeyda, Dhowaan ayaa nalaga
soo doonayaa, wiil America ka yimi,
Waxa ay ugu jawaabtay, maasha allah, wiilka
iskaaya bara dee, ka dib wiilkii ayaa Qolka ka soo baxay,
isagoo albaabka ayuu kula kulmay, labadii islaamood,
hooyadii ayaa is bartay, oo tidhi wiilkan hebel baa la
yidhaahaa, waa wiilkii aan kaaga waramay mar dhoweyd.,
nasiib darro islaantu wiilkan la barayo waa Deris waanay
taqaanay waligii, ilaa goortii uu dhalanayay, wiilkii ayaa
aad u naxay, oo dhidid wajigiisu ka soo burqaday,
islaantiina aad bay u xishootay, Ugu dambeyntii sheekadii
halkaa ayay ku gabagaboowday, wiilkiina beenaale ku noqday.
Waxaa la is weeydiin karaa, maxaa ku kalifay,
in beenta intaa la eg, uu sheego? Muxuuse ka faa`iidayaa?
naftiisu miyuu amini waayay? Allah miyuu ka quustay,
La soco Qeybtii labaad, iyo Dhacdooyin xiiso
badan.
W.Q. Adan Cabdulaahi
EMAIL:
adandeq2@gmail.com
webmaster@ceegaag.com |