Xaflad
Xilwareejin ah oo ka dhacday xarunta maamul goboleedka
Puntlan
Garawe, January,
11 2009 Ceegaag Online)
Waxaa maanta lagu
qabtay xarunta baarlamanka maamul goboleedka Puntland ee
magaalada Garowe munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen
maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cadde Muuse Xirsi iyo
kancusub ee dhowaan la doortay oo uu madaxweynaha ka yahay
C/raxmaan Faroole.
Munaasabadan oo
sidoo kale ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin badan oo ka
mid ah maamulkii hore iyo qeybaha kal duwan ee bulshada ayaa
waxa ka hadlay madaxwewynihii hore ee maamulka Puntland
Cadde Muuse oo sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub
ee C/raaxmaan faroole uu madaxda ka yahay uuna gacan buuxda
ku siin doono howlaha adag ee hor yaala iyo waajibaadka laga
sugayo.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay madaxweynaha
cusub ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo sheegay inuu
si aad ah ugu faraxsan yahay xillka maanta lagu wareejiyey,
isagoo balanqaaday inuu waajibaadkiisa si hufan oo
daacadnimo leh u gudan doono, wuxuuna balan qaaday inuu wax
weyn ka qaban doono nabadgalyada Puntland oo mudooyinkan
laga dayrinayay.
www.Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |