Reer Soomaali-
Galbeed oo shir uga furmay magaalada Cape-Town, S/Afrika
(Cape-Town.
July 21, 2009 Ceegaag Online)
Shir aad
u balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu
ka dhacay Hoyga shirarka ee Jaamacada UWC ee Magaalada Cape
Town halkaasi oo ay soo xaadireen Ergooyin ka kala yimid
Gobolada dalkani oo dhan.
Shirka ayaa waxaa ka soo xaadiray Dhamaan ururada bulashada
ayadoo weyn loo soo buux dhaafiyay hoolka shirarka waxaana
lagu soo bandhigay muxaadarooyinka, khudbadaha, suugaanta
gabayada iyo waliba filim ka sheekeynaya dhibaatada heysata
shacabka Soomaali Galbeed.
Shirka
ayaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka waxaana xiga
wacdi baraarujin ah ugu horeyna waxa makarafoonka lagu soo
dhaweyay Sheekh Axmed Sh. Maxamed oo madasha ka aqriyay
taariikhda halganka Soomali Galbeed oo kooban illaa laga soo
bilaabay halgankii Axmed Gurrey illaa kii Jeeshkii
Nasrullaahi illaa kan maanta jira.
Sidoo kale Waxaa qudbad cajiib ah oo ay la qusheeceen ka soo
qeyb galayaasha shirka ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka
hey’ada islaamka Muslim Judicial Council (MJC) hadaladiisa
aya waxaa ka mid ahaa ah “Anaga islaamka dalkani ku nool waa
2%, idinkuna waxaad tihiin 100% Soomaaliya, taasi waa nimco
illaahay idinku mannaystey, waxaan soo marnay boqolaal sanno
oo midabtakoor ah, waxaan ka qeyb qaadanay halgankii
xoreynta dalka oo aan garab siiney dad aanan muslimiin ahayn
taasina waxaan u yeelney danaheena, idinka waxaa la’idinkaga
baahanyahay in aan la timaadaan qorshe kasta oo aad isku
garabsan kartaan isagana dul qaadi kartaan gumeysiga”, ayuu
yiri.
Hoyga
shirka lagu qabtay ayaa waxaa lagu xardhay Calanka Soomaliya,
kana Soomali Galbeed iyo midka K/Africa sidoo kale waxaa
xafladu ahayd tii ugu heerka saraysay ebed ee lagu qabto
Magaaladani waxaana ka soo qeybgalayasha daawadeen Flim
muujinaya dhibaatada xoogan ee lagu haayo Shacabka
Soomaaliyeed Gaar ahaan Soomali Galbeed.
Lama Soo koobi karo Mudanayaasha shirka ka hadlay balse
Dhamaan dadkani waxay si wada jir ah oga hadleen muhiimada
ay leedahay midnimada iyo sii wadista halganka xoreynta
Soomaalida dulman.
Gaba
gabadii Shirka aya waxa hadalka qaatay Sh. Shaakir Sh.
Cabdullaahi,oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Soomali Galbeed ayaa
waxa uu u mahad celiyay Dhamaan ka soo qeyb galayaasha
Shirka sidoo kale wuxuu shacabka Soomaliyeed kula dar
daarmay Midnimada taas oo ay tahay ayuu yiri tan kaliya ee
aan uga bad baadi karno Cadawga dalkeena ku soo duulay.
Maxamed Deeq Muuse (Deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com
Cape-Twon, S/Afrika
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |