Ayaan daran
Caasimada Soomaaliya oo ay ka socdaan Dagaal aan
joogsi lahayn oo lagu xasuuqayo dadka rayidka
ah(Daawo)?!.
(Muqdisho.
July 03, 2009 Ceegaag Online)
Soomaaliya
isu tashanmayso, isu talinmayso, waxaa la yiri saddex ayaa
ugu xun somalia waxay u muuqata inay saddexdaasi soo
hargalayso sida meeqaanka maanasadu dulucsanayso:Ma Toshe,Ma
Tashiishe,Ma Tashade waxaasna waxaa isugu wacan dadka
doonaya kursiga kursigana sida muuqata nin ka badan ma qaado
taasna waxay sabab u ahayd dagaaladi hore somalida u soo
mari jiray waxaana burburkii kalifay kursi doon somali
iyadoo gacantooda ku burburisay dawladi qaranka ahayd ee uu
hogaanka u hayay marxuum maxamed siyaad bare.
Siyaasiyiinti
somalia ka kacday wakhtigi burburka waxay gacansaar
siyaasadeed la yeeshen Dawladda dariska la ah somalia ee
itoobiya iyagoo ku doonaya marka runta aan laga leexan kursi
ay ku qabsadaan awooda ama cududa hub ee ay ka helaan
dawladasi iyadoo dhawr mar dawladasi gudaha u gashay somalia
waxaa itoobiya markii dawladi hore ee somalia burburtay ay
ciidamadeeda soo dhoobtay deegaanka balanbale ee ku yaala
gobolka xuduuda ah ee hiiraan iyadoo marka aan qooraansano
Istaraatiijiyadda awooda ee xuduuda labadda wadan ku qotonto
labadda webi ee JUBBA,SHABELLE waxaana labadasi webi somalia
ka soo kala galaan labadda gobol ee kala ah Hiiraa isagoo ka
soo gudbaya degaanka loo yaqaan Feer-feer iyo gobolka gedo
isagoo usii gudbiya goboladda jubooyinka halkaasi oo ku sii
biyo shubo Webiga jubba waxaana ay ka mid tahay xiriirka ay
labadasi xuduud ku dhex leeyihin dhulka labadda wadan.
Itoobiya
hawlgal military ayay ka fulisay somalia waxayna taageertay
Dawladi uu hogaanminjiray Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxaana
ka dhacday Qayladda Orgigu Baroorta ka wayn waxaase somalia
markaasi dadkii muqdisho deganaa u qabeen arrin la socota
Aargoosi siyaasadeed oo loogu talagalay hab Qabiili ah.
Qaramadda midoobay waxay isku dayday in la
dhiso dawlad uu hogaamiye ka yahay sheikh sharif sheikh
axmed oo muqdisho ka soojeeda waxaase ay noqotay inay dagaal
kala horyimadaan ragi ay shalay isku garabka ahaayen oo
iyagu isku groupka ahaa sida sheikh xasan daahir aways oo
maanta ah hogaamiyaha garabka leh cududa military ee Hizbul
Islaam kuna goodiya inuu xukunka ka tuurayo sharif sheikh
axmed xarakada sheegata mujaahidiinta ee alshabaab ayaa qayb
ka ah dagaalka waxaa taageeray maraykanka oo hub siiyay
dawlada hubkaasi somalia awal baa horay looga caalwaayay kii
yaalay muxuuse soo kordhin karaa?.
Waxaa ka
muuqda sawiradan kuwa naxdin badan dad baa ku barakacay
dagaalka dad baa ku dhintay dad baa ku le'day ciyaal isugu
jira baalashlayaal ayaa la laayay musiibo ayaa ka dhacday
mesha dhibaato ayaa taal xamar maanta teedi maaha muqdisho
wa ololaysaa xuquuqdi somaliyed ayaa la lumiyay tii
bani'aadanimo la xasuusanmaayo waxaay tahay somalia inay isu
tashato rajo iyo saansana lagu dhexdhexaadinayo labadda
garab ee iska soo horjeeda ma muuqato ololka xamar ka baxaya
yaan la isu fiirsan.
Sawirka naxdinta leh ee somalia beesha
caalamka ayaa daawanaysa dhibaatadda somalia qayb waxay ku
dhimatay Badda,Qaybna Muqdisho,Qaybna waa qaxooti qaarna waa
naafo qaarna waa ma tashadayaal halkee somalia u socotaa
Cidna uma maqna Ceelna uma qodna!.
By:Abdirashid Mohamed Dahir
ILA
DAAWADDA MUSIIBADDA MUQDISHO TAALA
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |