Filibiin oo ku
yaboohday Deeq Lacageed oo somalia wax looga Qabanayo.
(Filibiin.
July 25, 2009 Ceegaag Online)
Dhibaatadda
ka taagan
somalia wadamo badan oo caalamka ah ayaa waxay gacan
ka gaysteen deeq lacageedyo wax looga qabanayo xaalada
Murugsan ee ka taagan Somalia Dawladda Filibiin ayaa ugu
dambeysay dawladihi Deeqaha dhaqale ugu yaboohay Somalia.
Haweenayda ah Madaxweynaha dalka Filibiin
Gloriya Mkapagal Arrooya ayaa qalinka ku duugtay kharash
maaliyadeed oo ka soo baxay bangiga Dalka fibiin kaas oo
loogu sii dhiibayo somali Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa
kharashkani ayaa gaaraya 20,000$ taasi oo loogu talagalay
sidii qaramadda midoobay wax uga qaban lahayd dib u dhiska
ha'adaha Dawladda Taagta daran ee somalia.
Ka dib deeqdaasi ay soo gudbisay khasnadda
maaliyadda dalka Fibiin ayaa waxaa war qoraal ah ka soo
saaray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee filibiin iyadoo
qoraalkani hoosta looga xariiqay in deeqdani maaliyadeed ay
wax badan ka kaafiyi doonto dawladda somalia ee la
liicliicaysa hagardaamadda kooxaha Diinta ku dagaalamaya
iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalkani inay wax ka tari
karto deeqdani dadaalka loogu jirol ciribtirka Burcad
badeeda oo ka mida waxyaabaha uu dhaliyay burburka somalia.
Muwaadiniin u dhalatay dalkaasi Filibiinayaa
saaran Doonyo iyo Maraakiib burcad badeed somalia ah ku
haystaan xeebaha somalia waxaana deeqdani imaanaysaa xili
hadalo badan iyo qaylo dhaan ku aadan somalia ay beesha
caalamku soo saartay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |