Warbixin ku
saabsan xaalada abaaraha iyo biyo la'aanta ka jirta
Puntland (SAWIRO)
(M.G.Puntland
July 30, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Badi goboladda
Puntland
ka jira
Biyo yari aad u baahsan taasi oo saamayn ku yeelatay
Duunyadda iyo dadka reer guuraaga ah waxaana biyo yaridani
kaliftay in xooluhu u soo arooraan Meeshi biyo ugu dhaw
halka kuwa kalena ay soo kici waayeen abaarta iyo biyo
yarida ka jira Goboladda Puntland iyadoo sida idiin muqata
xoolo badan u soo biyo tagaan ceelasha ugu dhaw ee Degsiimo
ku yaala waxaa iyana jira cabaashoyin ay muujinayaan dadka
reer guuraaga ah taasi oo ku saabsan cuduro badan oo xoolaha
la soo gudboonaday Cuduradda ugu badan ee xoolaha ku dhaca
ayaa waxaa ka mida,Furuq,Cadho iyo Ulsid oo ah cuduro ay
xoolaha qaarkood u dhintaan.
Warbaahinta Ceegaag
Online oo u kuurgashay xaaladaha biyo la'aanta Puntland
ayaan waxaa socdaal ku tagnay Goobaha reerguuraagu ka
dhaansadaan iyo waliba xarumaha Biyaha kantaroola ee
Deegaanadda Puntland Cabdi siciid oo ah maareeyaha shirkadda
HODMAN ee biyaha ka shaqaysa isla markaasna ka mida
shirkadaha ugu waaweyn ee biyaha ee deegaanadda Puntland iyo
G/Degmadda Qardho ayaa ka hadlaya xaaladaha biyo la'aanta
iyo doorka Dawladda iyo shirkadaha Biyaha Biyaha.
Duqa Degmadda Qardho ayaa
ka waramaya"Runtii way jiraan xaalado aad u adag oo dhinaca
Biyaha iyo abaarta labadaba ah sida la socotaan xiligi
roobka Gu'ga di'i jiray lama helin sanadka baraagahana Biyo
ma gelin abaartu markay daba dheeratay waxay keentay in
ceelashi laftigoodi dawraan oo biyo yareeyaan hadda waxa
weye sidaad ku soo aragteen ceelasha dhib wayn ayaa ka jira
oo dhinaca Biyaha ah xooluhu ma soo gaari karaan ceelasha
Boyadaha biyaha qaada 24 saac hal lawr oo biyo ah ayay
helaan mana kafayn karo runtii Dhibaato aad u wayn ayaa
jirta oo xaga biyaha ah celashi shaqayn jiray way shaqeeyan
laakiin iyagaba dawray Qalabka saarana Qalab tayo leh maaha
oo duugoobay weeye awoodna aan u lahayn inuu biyo fiican soo
saaro dad badan baana bulshadi noqotay Magaaladda Qardho iyo
Gobolkani wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha maadama ay luntay
dhinici soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa naaqusay
miyigina xaaluf buu noqday cudurona waa jiraan Dawlada waxaa
lagu eedaya in hayado ay biyo dhaamiyaan waa Musuqmaasuq waa
wax si qarsoodi ah loo qabto Maamulka iyo dawladda dhexe iyo
Ha'adaha waa inay xog helaan Baaq baanu soo saarayna arrin
culus baa jirta xaga biyaha" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmadda
Qardho Cismaan Buux cali.
Sidookale Maareeyaha
Shirkadda Biyaha ee HODMAN Eng:Cabdi siciid cismaan ayaa ka
waramaya Doorkooda haqabtirka Biyaha Puntland "Haddi aan ka
warbixiyo xaalada Biyaha ee Magaaladda Qardho waxaa ku yaala
saddex ceel oo hadda shaqaynaya kuwaasi oo markii hore soo
saari jiray 60M3 maalintii hadana waxay marayaan inay
maalintii soo saaraan 40 M3 taas waxa kaliftay abaaraha
puntland ka jira inay biyihii hoos u dhacaan waxaa loo
baahanyahay meesha hadda 40 M3 ka marayso inay 120 M3 soo
saaran ayaa la rabay baahida Biyaha weeye dhibaha jira waxaa
kow ka ah sida Magaaladda Qardho waxay ku taal bartamaha
Puntland soonahana waa dhulka cawska leh la isuguna Yimaado
culayska jira waxa uu yahay Badashadda Bulshada Goboladda
Puntland baahidi marka la isbarbardhigo isuma qalmayso
Qalabka waxaan rabnaa inana hadda ka shaqaysino oo si
habsami ah hawshena u wadno".
Isku soo wadda duubo
warbixintani laxiriirta Biyaha iyo abaarta ayaa muujinaysa
sida ay u labalaxaadsatay Abaartu isla markaana uu u jiro
Baahi biyood oo aad wayn Daawadda Muuqaalka Biyaha iyo
Abaarta oo Ceegaag Online idiin soo bandhigayso.
Daawo Sawirda
By:Cabdirashid
Maxamed Dahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |