Warbixintii
xafiiska Gargaarka bani'aadanimo ee Qaramadda Midoobay.
(Soomaaliya.
July 02, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo Soomaaliya ay marayso meeshi ugu
xumayd xaga dhibaatooyinka la xariira bani'aadanimo isla
markaana dhibaato ku ah dadka rayidka ah ee aan waxba
galabsan waxaana ay tahay mid aad u liidata xaaladooda
nololed hadaba waxaa warbixin ka soo saaray xaalada
bani'aadanimo ee somalia xafiiska gargaarka bani'aadanimo ee
qaramadda midoobay.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ay Kor u sii
kaceen Tiradda Dadka ka Barakacay Caasimadda Muqdisho ee
Soomaaliya, waxayna gaarayaan 170 kun, laga soo bilaabo 7
Bishii la soo dhaafay ee June illaa laga soo gaaro
Galabnimaddii Talaadada.
Afahayeenad u hadashay Xafiiskaasi oo lagu
magacaabo Elizabeth Beers ayaa sheegtay in ay sidoo kale
Wal-wal ka qabaan inay Muwaadiniinta Soomaalida ay si gaar
ah u soo waajahaan Abaaraha ka jira Goboladda Dhexe ee
Soomaaliya kuwaas oo si saa’id ah ugu sii badanaya Waqooyiga
iyo W/galbeed ee Soomaaliya gaar ahaan Maamulka
Somaliland oo la sheegay in ay Saameeyeen Hal milyan
iyo Kun Muwaadin.
Afahayeenad ayaa intaa ku dartay Dalagii
Beeraha iyo Kheyraadkii Xayawaanka waxa soo gaaray Dhibaato
dadkiina waxaa soo gaaray Dhibaato gaar ahaan Xoola
dhaqatadii.
"Yaboohii dhaqaale ee soomaaliya loogu deeqay
wuxuu ahaa 933 Malyuun oo Doolarka Maraykanka ah lagamana
hayo waxaan ahayn 43 Milyan, 9 Milyan oo loo qorsheeyay
Arimaha Beeraha wali lama helin, sidaa darteen waxaan ku
Baaqeynaa in la soo gudbiyo Deeq dheeri ah oo looga qeyb
qaadanayo Taageeradda Shacabka Soomaaliyeed" waxay ugu
yeertay ayay tiri Afahayeenad Xafiiska Q.M ugu Qaabilsan
Isku Dubu ridka Arimaha Bani-aadamnimadda
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |