Baarlamaanka somalia oo Sheegay in Awoodi dawladda La
wiiqay uguna Baaqay Wadamadda Deriska ah inay 24 saac
gudohood Ciidamadooda ugu soo diraan Somalia.
(Muqdisho.
June 20, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa maanta
magaaladda muqdisho ee caasimadda somalia shir jaraa'id ku
qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka somali Sheikh aadan Maxamed
nuur Madobe shirkani jara'id ayaa aadan madoobe kaga hadlay
Qodobo baarlamaanka somalia isku waafaqeen.
Sheikh aadan maxamed nuur madoobe gudoomiyaha
baarlamaanka somalia yaa ugu baaqay Wadamadda deriska la ah
somalia sida ETHOPIA,KENYA,JABUUTI,YAMAN inay ciidamo u soo
diraan
somalia saacadaha soo socda isagoo shegay in awoodi
dawladda somalia la wiiqay dawladuna hadaan la soo gaarin
Jiritaankeedu meesha ka baxayo maadaama buu Yiri xoogagi
Islaamiyinta ka soo horjeeday ay qabsadeen inta badan
Magaaladda caasimadda ah ee muqdisho.
Sheikh aadan madoobe ayaa sheegay in dagaalka
uu yahay mid culus oo uu hogaaminayo Sarkaal Pakistani ah
kaasi oo bu yiri Magaalada Badi la wareegay waa sida uu
hadalka u dhigaye isagoo sheegay in Al-qaacida muqdisho soo
gashay.
Hadalkani uu maanta sheegay sheikh aadan
madoobe ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo saacadihi la soo
dhaafay goobo badan oo ka mida magaaladda muqdisho ay ka
bexen gacanta Dawladda sida Degmadda Istraatiijiga ah ee
KAARAAN halkaasi oo ay Saldhigi qabsadeen xoogaga mucaaradka
ah ee Al-shabaab iyadoo marka aan falanqayno degmadda kaaran
tahay mel saaran Dekedda kaliya ee dawladu ka arrimiso
waxaana ay xanibayaan dhaqdhaqaqa Dekedda xoogaga mucaaradka
iyadoo xaalada dawladu adagtahay hadana degmadda Cabdicasiis
oo u dhaw degmadda lala wareegay ayaa ah goob muhiim u ah
Xaruna madotooyadda Villa somalia taasi oo haddi la qabsado
ay khatar ku jirto Saldanadda Sheikh sharif madaxweynaha
somalia.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |