Barnaamijka Kororso
Aqoontaada (Qaybtii 3aad)
(Qardho.
June 09 , 2009 Ceegaag Online)
By:C/rashid.
Maxaad Ka Taqaan?.
Qaybtaani todobaadkan waxaan ku eegaynaa Tariikhda Somalia
Wixii ka horeeyay 2000 ilaa iyo Wakhtigii Military ee
Somalia.
Oct 21,
1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku
daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku
qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.
Oct 21,
1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii
xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood
ku hadli jireen.
Jan 23,
1975 - Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo
rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor
imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka
Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey
xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in
toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana
culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.
April 9,
1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido
xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa
ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed
Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas
ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah
raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku
qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo
hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9,
1978 waana uu dhicisoobay.*]
Sept
1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay Jabhadii
ugu horeesay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii (SSF)
taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).
Burburkii iyo Halaagi
Umadda Soomaaliyeed:-
May 27 1988 Jabhadii SNM ayaa qabsatay
Burco iyo Hargaysa.
Aug 7,
1990 - Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la
asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u
midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.
Jan 27,
1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Nov 17,
1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha
dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed
ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay
dagaalkaas.
March 3,
1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey ayaa wada
saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo ay soo abaabushey
Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin
waayeen sida loo maaraynayo xabbad joojinta.
April
24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada Midoobey ayaa
ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya
xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad Barre oo dalka
isga baxay.
Sept 19,
1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid oo ku
laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno
ciidamada nabad ilaalinta.
Dec 3,
1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey
in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah
oo uu hogaaminayo Maraykanku.
Dec 9,
1992 - Ciidamada Badda ee Maraykanka oo caga dhigtay xeebta
Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo
celinta".
Jan 15,
1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo
lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooyinkii iskaga soo
hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku
joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo
badan oo ay kala saxiixdeen.
May 4,
1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka
wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.
Oct 3,
1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo
hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la
dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo
ridey labo helicompter oo Maraykanku leeyahay, meydkii
askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. Waagii
dambe arrintas waxaa laga sameeyey filim la baxay "Black
Hawk Down".
March
28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya ayaa si
rasmi ah loo soo afjaray.
Jan 2,
1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada
Lagos, Nigeria. [Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey
1919 ilaa January 2, 1995]
Feb 28,
1995 - Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada
Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii
Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.
Aug 1,
1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo
gaarey. [Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December
15, 1934 ilaa August 1, 1996]
1997 /
1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu
magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah
oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta
lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada
shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo
Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka
dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo
bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u
gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen
labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii
maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas
oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste]
miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga
beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka
dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka
hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe
oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi
Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka"
Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa
in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan
yahay 500,000 tons.
Ma Ogtahay?.
Xubinta
Ma ogtahay waa Xubin ka mida Taxanaha Cilmiga Shabakadda
Warbaahinta ee Ceegaag Online Waxaana Xubintani Maskaxdiisa
iyo Maankiisa Ka Diyaariyay Wariye Cabdirashid Maxamed
Daahir:-
1-Ma
ogtahay Akhristaw in Dagaalkii ugu Dheera Dunida uu socday
105-Sano uuna u dhexeeyay Wadamadda England iyo France.
2- Ma
ogtahay Akhristaw in Ninkii Hogaaminayay Ciidamaddi Portugal
ee Jabiyay Halgankii axmed guray uu ahaa Ninka lagu
Magacaabo Christopher Digamma.
3-Ma
Ogtahay in Dadka somaliyed ay Hormuud haweenka Halgankooda
Ugu horaysay Xaawo Taako.
4- Ma
ogtahay Akhristaw Sirhayihi Nabiga NNKH lagu Magacaabi Jiray
Jacfar binu Yamaama.
5-Ma
Ogtahay akhristaw in Dagaalki u dhaxeeyay Wadamadda
Talyaaniga iyo Itoobiya loo Yaqaanay Odowa isla markaana uu
dhacay bishii October sanadkii 1935.
6- Ma
ogtahay Akhristaw in Malaga Ilaahay u Wakiishay Roobka uu
yahay Miikaa’iil Calayhi Salaam.
7- Ma
ogtahay Akhristaw in 23/1/1975 Magaaladda Muqdisho lagu
Toogtay Culumo Soomaaliyeed kuwaasi oo ah Boogta Maanta
Umadda Somaliyed Haysata.
8- Ma
ogtahay Akhristaw in Dekedda Pear Harbour Tahay Dekedi uu
Duqaynta u gaystay Wadanka Jarmalka sanadkii 1941
9- Ma
ogtahay Akhristaw in Laanta Afsomaliga ee BBC la asaasay
sanadkii 1957 halka Qaybta ku hadasha Luuqadaha Badan la
asaasay 1927.
10- Ma
ogtahay Akhristaw in Ururka Xamaaz ee Mujahidiinta Reer
Falastiin uu asaasay Sheik Axmed Yaasiin oo ahaa Sheikh Caan
ka ahaa Wadankaasi Barakaysan ee Yuhuuda Nacaladuhu laahi
Haystaan.
11- Ma
ogtahay Akhristaw in Hogaamiyaha ugu xukunka Dheera Qaaradda
Afrika uu yahay Ibrahim Bango Madaxweynaha Geeriyooday
7/6/2009 ee Gaaboon.
12-Ma
Ogtahay in Ninka lagu Magacaabo Cabdi Kaamil Cawaale uu
yahay Halyay wax ka Xoreeyay Deegaanka Godey ee Gobolka
Ismaamulka Somalida ee Itoobiya isla markaana uu Qaaday
Heestii.
1-NIDAR
BAAN HORAY UGALAY NIYADAYDU WAA MEEL CALANKAYGA NUURAW .
13- Ma
ogtahay Akhristaw in Maraykanka uu ka jiro Laba Xizbi
Siyaasadeed oo kala ah Jamhuuri iyo Demoqraadi haatana waxaa
Taladda Haya Xizbiga Democracy oo uu hormuud ka yahay BRACK
OBAMA.
14- Ma
ogtahay Akhristaw in June 8, 2007 Madaxweynihi ugu Horeeyay
Somalia Halyay Aadan Cabdule Cismaan ayaa ku Geeriyooday
Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
15- Ma
ogtahay Akhristaw in 5-June-2007 uu Markii ugu Horaysay
Somalia Tagay Raisalwasaaraha Itoobiya oo Ciidmadiisu
Taagerayen Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Malez Zenawi.
16- Ma
ogtahay Akhristaw in 1976-La asaasay Xizbiga Hantiwadaaga
Kacaanka Somaaliyeed.
17- Ma
ogtahay Akhristaw in 9/April/1978 waxaa Dhicisobay Inqilaab
la doonayay in lagu Rido Xukuumaddi Maxamed siyaad Bare
waxaana Inqilaabka ka dib la Toogtay 17-Nin.
18- Ma
ogtahay Akhristaw in Sir Isaaq Newton uu helay Systemkii
ahaa NEWTONS FIRST LOW OF MOTION,TWO,THIRD-ahna Culayska
Cufasjidadka.
19- Ma
ogtahay Akhristaw in Cudurka looyaqaan Busbuska uu sababo
Viruska Caanka ah ee SMAL BOX,CHECK BOX.
20- Ma
ogtahay Akhristaw in Dalka ugu dadka badan dunida uu yahay
dalka CHINA.
Murtidda
Barnaamijka:-
1-Ilaahay Eray gaf waa kaa yeersiya Kaaamase Haro
2-Xaglo,
Laaban xoolo kuma yimaadeen
3-Warna meel dheer buu ku
dhacaa warafna meel dhaw
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |