Beesha Caalamka oo ka
hadashay Dilkii Wasiirka Amniga Somalia iyo Khasaaraha
Qaraxi shalay oo Kordhay.
(Baladwayne.
June 19, 2009 Ceegaag Online)
Shalay
ayay ahayd marki magaaladda ku taala Bartamaha Soomaaliya ee
beledweyn lagu dilay Wasiirki amniga iyo Masuuliyin ka
tirsanaanjiray Soomaaliya,shacab, Nabadoono waxaana dilkaasi
ka hadlay beesha caalamka.
Urur
goboleedka IGAD, AU, Jaamacadda Carabta, QM, waxay ka
hadleen dilka loo gaystay wasiirki amniga Soomaaliya
maalintii shalay ahayd sida ay qortay wakaaladda wararka ee
Xinhua waxaa dhamaan ururadda aan soo xusnay Cambaareyen
dilkii shalay lagu dilay wasiirkii Amniga qaranka iyo
Safiirki hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin
Farax laqanyo.
War
qoraal ah oo laga soo saaray Dilkii shalay ayaa lagu
sheegay in Kooxo nabad diid ah oo khalkhal iyo fawdo ka wada
Somalia ay gaysteen Dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Cumar
xaashi .
Warkani
ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay Dib u dajin
iyadoo Dawladda Soomaaliya la tacaalayso Dhibaatadda
Muqdisho kooxaha Fowdada wada waxaa haboon inay u turaan
shacabka walaalohood ah ayaa lagu sheegay Warkani qoraalka
ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta ururka Jaamacada Carabta
ayaa lagu tilmaamay wax laga xumaado Qaraxaasi lagu dilay
Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo
safiirkii hore ee Ethobia u fadhiyay Soomaaliya C/Karin
Faarax laqanyo.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in Qaraxaasi uu wax u
dhimay niyadii jaamacada carabtu ay ka qabtay in xaalada
Soomaaliya ay soo hagaagto islamarkaana ay fuliyeen dad sida
la sheegay aan doonayn in Soomaaliya ay lugeheeda isku
taagto sida lagu qoray mid ka mida Wakaaladaha wararka ee
Carabta.
Dhanka
kale warar isa soo taraya oo ka soo baxaya Magaaladda
Beledweyn ayaa sheegay in Khasaarihi ka dhashay Qaraxii
Ismiidaminta ahaa ee lagu dilay Wasiirka shalay Magaaladda
Beledweyn uu kordhay Dhimashadda ayaa la sheegay inay sii
cagacagaynayso ku dhawaad 45 halka dhawacu marayo ku dhawaad
200 oo qof sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan
Gobolka iyadoo dhawaaca badankiisu yaalo Cusbitaalka guud ee
Magaaladda Beledweyne halkaasi oo dhawaaca qaar ku
geeriyooden.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |