Cambaarayn caalami ah loo
soo jeediyay Ururka Al-shabaab ka dib xukun ay fulisay
Maxkamad aan sharciyaysnayn.
(Muqdisho.
June 24, 2009 Ceegaag Online)
Ururka al-shabab
ee ka arrimiya inta badan koonfurta somali ayaa maxkamad ku
taala Magaaladda muqdisho oo hoostagta waxay xukun ku riday
Wiilal aad u da'yar oo afar ah kuwaasi oo lagu soo eedeyay
inay xadeen boorsoyin iyo Mobiladda gacanta Gudaha
Magaaladda Muqdisho ee caasimadda somalia.
Xukunkasi oo shalay dhici lahaa balse ay
alshabab sheegtay in loo baajiyay xiliga oo kululaa
qoraxduna aad u holcaysay taasi oo laga baqay inay
dhiigbaxan iyagoo sidoo kale waalidkood codsaden intaan
xukunka la fulin inay arkaan caruurtooda.
Ururadda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda
Aadanaha ayaa cambaarayn u jeediyay Ururka alshababa waxaa
ka mida hayada la socota Dhaqdhaqaqa bani'aadanimo ee
Amnesty
International. Madaxa Amneysty, waaxdeeda Afrika,
Tawanda hondora, ayaa ciqaabtaan ku tilmaantay mid
naxariista ka fog, bini’aadanimada ka baxsan, isla markaana
ah wax qiima-dil ku ah bini’aadamka.
Xukunkaas
oo ay ridday maxkamad aan sharciyad lahayn oo aan haba
yaraatee marin nidaamkii sharicga ahaa, iyadoona xukunkaasi
uu u muuqdo mid aan dhameystirneyn isla markaasina aanay
goobta soo xaadirin mudacii eedeysanayaasha mudacayay oo loo
geystay falka burcadnimo.
Amnesty waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay
in Kooxda Alshabaab ay caadeysatay had iyo goor inay fuliso
xukuno u muuqda inay yihiin iidheh iyo howlo mashruuc ay ka
dhigteen, iyadoona hore loo ogaa xukun Al-Shabaab ka fulisay
magaalada Kismaayo oo gabar aan qaan-gaar ahayn ku fulisay
xukun dil ah.
Dhinaca kale wiilashan ayaa lagu tuhmay in ay telefoonnada
gacanta lagu qaato iyo agab kale ka xadeen dad ku nool
Waqooyiga Muqdisho.Xaakimkii maxkamadda, Sheekh Cabdilxaaq,
ayaa saxafiyiinta u sheegay in dhallinyarada lagu helay
dambiyada loo haystay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |