Cumar Cabdirashid Sharmarke
"Beesha Caalamku ha soo Faragaliso Xaalada Somalia".
(Nayroobi.
June 04 , 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Dalab u diray Beesha Caalamka Raysal wasaaraha
Dawladda kumeel gaarka ah ee somalia isaga oo warfidiyenadda
kula hadlayay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya waxaana
raysal wasaare sharmaarke sheegay in Xaalado Murugsan ka
taaganyihiin Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho isla
markaana ay dhaqan Galiyaan Qodobaddi laga soo saaray
Shirkii dhawantani ka dhacay Adis ababa ee wadanka Itoobiya
waxaana uu sheegay in Xanibaad la saaro Xoogaga Muqaamadda.
Ra段isul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in
dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee ay ku dhimanayaan
dadka badani in ay ka danbeeyaan dagaal yahano shisheeye oo
dalka dibada uga yimid.
"Waxaan ka rabnaa urur goboleedka Igad iyo kan midowga
Africa in ay Soomaaliya difaacaan isla markaana ay ka
doonayaan in ay cunaqabateeyn saaraan garoomada iyo dekedaha
ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg" ayuu yiri
Ra段isul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay ra段isul wasaaraha in garoomada
iyo dekedaha ay maamulaan xoogaga ka soo hor jeeda ay ka soo
degaan dagaal yahayno ka soo tagay wadamada shisheeye ayuu
yiri isagoo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Nairobi
isaga iyo Wasiirka arimaha dibada wadanka Kenya Moses
Wetang'ula.
Ra段isul wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu sheegay in ay
guulo ka gaareen dagaalada ka socoda magaalada Muqdisho isla
markaana ay wada qabsan doonaan magaalada,waxaana ammaan ku
soo dabaali doonaa guud ahaan dalka ayuu yiri Ra段isul
wasaaraha.
Isku
soo wada duubo marka la eego hadalka ka soo yeeray Raysal
wasaare Sharmarke waxaa u yahay mid Door ahaan ku soo aadaya
Xili Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ay ku Hardamayaan
Xoogaga Islaamiyiinta ee Maamulaya Inta badan Koonfurta iyo
Dawladda kumeel gaarka ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |