Dawlada Itoobiya oo kasoo jawaabtay dalabkii dawlada
Soomaaliya
(Soomaaliya.
June 21, 2009 Ceegaag Online)
Ciidamadda wadanka
itoobiya ayaa iminka waxay ku jiraan Somalia balse ma
muuqato hawlagalo Nidaamsan oo bilawday Ciidamadda itoobiya
ayaa soo galay Gobolka hiiran ee Bartamaha somalia waxaana
ciidamadaasi ay soo gaareen Deegaanka kala bayrka iyo Juunda
kundishe ee oogadda Magaaladda Istaraatijiga ah ee
Beledweyne.
Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in
Ciidamadda itoobiya ay iminka ku suganyihin Jante Kundhishe
oo 15-KM u jirta Beledweyne.
Wararka ka soo baxay magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in
Magaaladda ay ka dhacayso Rasaas Goosgoos ah taasi o aan la
garanayn cida ay u dhaxayso iyadoo magaaladda ay isku
haystaan Kooxda Islaamiga ah ee Hizbul Islaam iyo Ciidamadda
Dawladda somalia.
gudaha magaalada B/Weyne waxaa haatan ka socda dhaqdhaqaaqyo
ciidan, inkasta oo xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ah iyo
ciidamada Dowladda ay isu diyaarinayaan sidii ay magaalada
ammaankeeda ula wareegi lahaayeen.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kale oo lagu kalsoon yahay
ayaa sheegaya in jihada gobolada Bay iyo Bakool ay iyana ku
soo wajahan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo
saacadaha soo socda iyana la filayo inay gaaraan magaalada
Baydhaba oo haatan ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab halkaasi
oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen diyaar garow dagaal
oo kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ka waday.
Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada
Itoobiya ay howlgallo milateri ka fulinayaan gudaha dalka
Soomaaliya, kaasi oo ay ku baacsanayaan kooxaha ka horjeeda
Dowladda KMG ah oo iyagu la wareegay inta badan K/Soomaaliya,
waxayna tallaabada ciidamada Itoobiya ku soo beegmeysaa
markii labaad oo gacantooda ay ka bixiso kooxaha
Islaamiyiinta ee la sheegay inay xiriir la leeyihiin ururka
Al-Qaacida sida Xarakada Al-Shabaab.
Waxaa xusid mudan in Cidamadda itoobiya oo
wata Dabaabadaha dagaalka oo taageeraya dawladi Hore ee C/laahi
yuusuf ay galeen Magaaladda muqdisho 29-Dec-2006 halkasi oo
rabshado iyo fawdo hor leh ka dilaacday waxaana muuqata in
Dawladda hadda ay hogaamiyaan Hogaamiyayaal Islaami ah oo
qunyar socod ah raaceen Tabtii Dawladii Hore ee uu hogaanka
u hayay Madaxweyne Yuusuf.
Isku soo wadda duubo talaabadani waxay
imaanaysa Xili Baarlamaanka somalia ay ku dhawaaqeen inay
dhawdahay in Dawladda burburto oo lala so gaaro Kaalmo
ciidan oo degdega ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |