Maamulka Somaliland
oo Kharashka doorashadda u gudbisay Guddiga
Doorashooyinka.
(Hargaysa.
June 28, 2009 Ceegaag Online)
Xukuumadda somaliland ayaa waxay u gudbisay guddiga
Doorashoyinka ee somaliland kharashka saamiga ah ee la gu
bixinayo doorashadda la filayo inay dhacdo Bilaha soo socda.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga doorashooyinka maamulka
somaliland ayaa lagu cadeeyay in guddiga doorashadda ay soo
gaartay lacagti commisionka doorashadda oo gaaraysa SLSH 7,
200, 000, 000 una dhiganta hal milyan oo dollar, waxaanu
intaasi ku daray hawlaha serverka la soo gebagabayn doono
maalinta Arbacada ee toddobaadka danbe.
Doorashadani oo buuq badan ka dhashay ayaa heshiisyo la
gaaray ka dib waxaa la isku raacay in 27-Sep-2009 la qabto
doorashoyinka maamulka somaliland.
Warsaxaafadeedkani ka soo baxay Guddiga doorashooyinka
somaliland oo nuqul ka mida uu soo gaaray Shabakadda Ceegaag
Online waxaa uu u qornaa sidatan:-
wada hadaladii u bilaabmay axsaabta qaranka ee 16-kii may ee
lagu falanqaynayey dhamaystirka hawlaha doorashada
madaxtooyada ee Somaliland waxa ka dhashay heshiiskii
axsaabta qaranka ee 27 kii May, 2009 ee diyaargarowga
doorashada madaxtooyada.
Iyada oo heshiiskaa laga ambo qaadayo Komishanka qaranku
waxay bilaabeen in xisbiyada Qaranka ka wada shaqeeyaan
dhamaystirka arrimaha soo socda:
1-Guddida farsamada ee Diiwaangelintu waxa ay isu raaceen
hawlgalka habraaca dhamaystirka hawlaha serverka (Parametress).
2-Waxa gebogebo taagan xeerkii habdhaqanka axsaabta Qaranka
ee doorashada madaxtooyada.
3-Waxa la isla qaatay dhamaystirka wixii goldaloolo sharci
ah, si loo sameeyo lifaaq wax ka beddel xeerka
doorashooyinka ee Lam. 20/2001 iyo xeerka diiwaangelinta.
4-Waxa dhamaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii
kharashkii dawlada ee doorashada mdaxtooyada oo lagu shubay
xisaabta komishanka taas oo dhan SLSH 7, 200, 000, 000 una
dhiganta hal milyan oo dollar.
5-Komishanka Qaranku wuxuu dadweynaha, asxaabta, dawlada ku
baraarujinayaa inay hareeraha iska taagaan sidii looga midho
dhalin lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada oo qaban
qaabadeedii la guda galay.
Isku soo wadda duuboWarsaxafadeedkani ayaa waxaa soo saaray
Jaamac Maxamuud Cumar guddoomiyaha Komishanka Qaranka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |