Maamulka Gobolka Gobolka
Karkaar oo Maanta soo saaray Qaylo Dhaan!.
(Qardho.
June 11 , 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Maanta Shir
jaraa'id ku qabtay Magaaladda Qardho ee Xarunta ee Gobolka
Karkaar Gudoomiyaha Gobolka karkaar yoonis cali faarax
waxaana gudoomiyaha gobolka karkaar yoonis cali faarax uu
shirkiisa jaraa'id kaga hadlay Qaylo dhaan ay maanta ka
maamul ahaan soo saaren kaasi oo ahaa mid loo jeedinayay
xukuumadda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha puntland
Cabdiraxmaan faroole iyo hayadaha Qaramadda midoobay ee ka
hawlgala Dawlad goboleedka puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Dawlad
goboleedka Puntland Yoonis cali faarax ayaa sheegay in
gobolkani guud ahaantiisa ay ka jirto biyo yari abaaro iyo
nafaqo la'aan haysata dadka reer guuraaga ah ee ku sugan
Magaaladda qardho iyo Nawaaxigeeda iyadoo magaaladda Qardho
ay ku Tiirsantahay Xoolaha nool iyadoo ay Magaaladda ku
taalo Saylad lagu iibiyo xoolaha nool halkaasi oo dakhliga
ugu badan magaaladda uga soo baxo maamulka Degmadda.
Gudoomiyaha gobolka karkaar yoonis cali
faarax ayaa baaqani ku sheegay in maanta laga bilaabo ay
baaqyo caalami ah u dirayaan hayadaha caalamiga ah ee ka
hawlgala dawlad goboleedka puntland kuwaasi oo buu yiri in
badan aan waxba ka qaban hawlaha codsiyadda iyo baaqyadda ay
u jeediyaan maamul ahaan isla markaasna heshiiyo badan aan
la fulin.
"Annoo ku hadlaya Magaca Maamulka gobolka
karkaar waxaan halkaan ka sheegayaa in gobolka ay ka jirto
roob yari waxaana ay kurbo iyo dhibaato haysata dadka
somalida ah e degan gobolka oo ku yaala goob ay dadku ku
tiirsanyihiin Xoolaha nool hadaba waxaan maanta aan doonayaa
inaan iftiimiyo in gobolka ay dhibaatadan ka taagan tahay
maamulka puntland ilaa heer madaxweyne iyo hayadaha
caalamiga ah sida QM NGO iyo qaybaha maxaliga waxana ka
codsanayaa inay u gargaaran dadka Dhibaataysan".
waa markii ugu horaysay ee ay maamulka
gobolka karkaar ay soo saaraan qaylo dhaanta caynkani oo
kaleeto ah iyadoo ay sheegen in roobabkii gugu aanay kaafin
dadka iyo Duunyada.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |