Maxaa uu Yahay Heshiiska
Dhexmaray Puntland iyo Hayadaha Range Resource iyo African
Oil.
(Puntland.
June 10 , 2009 Ceegaag Online)
Dawlad Goboleedka
Puntland waxaa Dhawaanihi Ugu dambeeyay laga Hadal haayay
Heshiisyo Dhexmaray Wakaaladda Macdanta Iyo shidaalka Dawlad
Goboleedka Puntland iyo Hayadaha Baarista Shidaalka iyo
Macdanta Dawlad Goboleedka Puntland waxaana Dawlad
Goboleedka Puntland shaacisay inay Aqoonsantahay
Heshiisyaddi hore ee Dhexmaray Maamul goboleedka Puntland
gaar ahaan Madaxweynihi hore Gen:Cadde Muuse iyo Hayadaha
Range Resource iyo waliba hayada African Oil.
Peter Landau oo ah Madaxa Shirkadda Range
Resource ayaa isagu Shaaciyay in ay Kulamo kala Gedisan la
Qaaten Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Wakaaladda Macdanta iyo
Shidaalka Puntland gaar ahaan Ciise Dhoolawaa oo ah isagu
Agaasimaha Guud e Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka.
marka la eego Kulankaasi ayaa ah mid
Quudaraynayay Heshiiska xukuumadda Cusub ee Puntland ay la
galayso Hayadaha la filayo inay Heshiisyadda Tooska ah la
saxiixan Xukuumada uu Hogaanka u hayo Madaxweyne Faroole
iyadoo Ciise Dhoolawaa Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo
Shidaalku uu shaaca ka qaadya in Heshiisku Najaxay.
Ciise Maxamuud Dholowaa
Hadaba waxaa
Warsaxaafadeedkan aad Hoos ka daalacan doontaan ku jira
Xaqiijinta in Ciise Dhoolawaa Agaasimaha Macadanta iyo
Baatrolka Puntland uu sheegayo in puntland ay donayso in si
cad Heshiisyo aan qarsoonayn Loo galayo.
Maanta waxaa ka soo baxday Magaaladda
Caasimadda ah ee Garoowe Warsaxaafadeed uu ku saxixanyahay
Agaasimaha wasaaradda Macdanta iyo shidaalka Dawlad
goboleedka Puntalnd Ciise Maxamuud Dholowaa(Hoos
ka Akhri).
(Scan Paper View)
Waa Shirkadehe Kuwa Lala Heshiiyay.
warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda
Africa Oil ayey ku sheegtay in ay xog wanaagsan ka
heshay sahamintii ay ku samaaysay aagga Dooxada Dharoor,
sahamintaas oo ay sheegtay in ay gabagabaysay December 3,
2008. Waxaana warsaxaafadeedkaasi xusay in laba toddobaad
gudahood ay bilaabayaan fasiraadda xogtii laga helay
sahamintii ay sameeyey shirkadaha heshiiska kula jiray
shirkadaas oo ah IMC/TESLA oo laga leeyahay UK iyo
Canada. Ilaa hadda (April 3, 2009) ma jirto meel Dawladda,
Baarlamaanka iyo shacabka Puntland loogu soo bandhigay
natiijadii ka soo baxday sahamintii Dooxada Dharoor,
baaritaankaas iyo wixii la ogaadey. Waxay xilligaas
shirkaddaasi sheegtay in qoditaanka ceelasha shidaalka la
bilaabi doonto sannadkan 2009.
Africa Oil oo Hadana Qandaraas kale la
Gashay Shirkad Kale arrinta Baarista Shidaalka Puntland:-
Africa Oil waxay sheegtay in shirkadda
Raytec ku wareejinayso boqolkiiba 25% macaashka laysanka
heshiiska wax soo saarka ee Dooxada Nugaal iyo Dharoor
ee Puntland, Soomaaliya.
Sidoo kale Africa Oil waxay Raytec ku
wareejinaysaa boqolkiiba 10% macaashka heshiiska wax soo
saarka ee aagga loo yaqaan Block 9 iyo boqolkiiba 25%
macaashka laysanka ee
Kenya.
Waxaa warku tibaaxay in shirkadda Raytec ay
qorshaynayso in ay aagaggaas ka hawl gasho 2009 iyo 2010.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |